Ceeydiid Cabdullaahi Ilkaxanaf, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa shaaciyay in weerarkii shalay ku qaadeen xarunta Maxkamadaha ay sabab u aheyd madaxtooyada “villa Somalia” iyo dhamaan kooxda dalka u qaabishan nabada oo dayacay!
“AMISOM waxa ay ilaalisaa Madaxtooyada. Waxa ayna iska indha tirtay xarumaha garsoorka in ay ilaaliso. Qorsha AMISOM ee dalkana waxa kamid ah in hey’adaha dowlada dhan oo ay ilaaliso garsoorkuna waa halkii ugu muhiimsanaa”.
“Amaanka Maxkamada waxaa dayacay dowlada Soomaaliya iyo AMISOM” Ceydiid Ilkaxanaf ayaa sheegay!
Ilka Xanaf ayaa mar uu ka hadlayay dhacdadii shalay ayaa waxa uu sheegay in daqiiqado ka hor intii qalalaasaha dhicin uu dalbaday ciidamo dheeraad ah hasa yeeshee ciidankii ay soo gaareen goobta xilli dagaal uu socday, inkasta oo ay qeyb ka qaten bad-badintiisa.
Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ay Jiraan dal daloolyo dhinaca Ammaanka ah isagoo dhinaca kalana Ku baaqay in aan la dheyilsan Digniinaha ka imaanayo dalalka Caalamka ee ku aadan in ay jiri karaan weeraro ka dhaca Magaalada Muqdisho.
“Waa ogyihiin wax walba oo ka socda meel walba oo aan ka howlgalno” ayuu yiri ninkii ka cararay kursigii oo ku fadhiyay ka dib markii maalin cad la weeray Khaliif Ereg oo ahaa madaxii sirdoonka Moqdisho,hadana daaweyn u jira magaalada Nayroobi ka dib markii isku dhex yaacay k qaraxaasna ku dhinteen inta Stafkiisa.
Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaani ay dhiira gelineyso Ururka Al Shabaab islamarkaana ay ku kici karaan falal ceynkaan oo kala ah sidaa daraadeed loo baahanyahay feejignaan dheeri ah.
Weeraradii shalay ayaa ku soo beegmay xilli Masuuliyiin badan oo Hey’adaha dowladda ka tirsan ay sheegeen in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid gebi ahaan la isku halleyn karo,taas oo la yiri waa been!!
Banaadir Post