Xidhibaan Cabduqaadir Sandheere “ Arrinta Kismaayo Waxay Dabadda la Gashey Norway”

25357710Kulan ay isugu Yimaadeen Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka

ayaa waxaa si weyn looga doodey Arimaha Kismayo Haatan ka taagan iyo Galaangal ay

Dowlada Noway ku leedhaya arrimha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka oo haatan uu

ka taagan yahay Muran aad u Xoogan kaasoo ku aadan qaabka loo wajahayo Maamul loo

sameeyo Goboladaas.

Kulankaas Markuu soo Idlaadey Waxaa Saxaafada la Hadley Xildhibaan Cabduqaadir

Maxamed

Aadan Sandheere oo yiri “Markii Maamulada laga sameynayey Soomaaliland ,Pundland ee hatan

Jira Muddo Dheer  ,Norway , Faransiis , Kenya iyo Itoobiya Ma joogin inagaa ka marqaati ah

Cid Fargeliseyna ma jirin , Cid Dhaqaale ku Bixisey ma jirin iyagoo is Abaabuley oo Maamul

sameystey Mudadaas ay jireen kuwa Dastuurka u sameynayey Qaar baa ila Degenaa Boston

waad aragtaan halka ay marayaan , haddii qabiil laga hadlayana kuwa aan soo sheegey baa

qabiil ku Dhisan marka Maamuladaas lama taaban oo lagama hadal ee Aniga maxaa na loo

haystaa ayaa dadka qaarkii ay ka soo yeertey , adinka waxaa la idiin haystaa dadkii Gobolka

oo aan u dhameyn waxa hadda la wado, Gaalaa wadataan,iyo Badda halkaa ku taal oo la og

yahay in Laba goor Baarlamaanka la horgeeyey oo aan diidney , waan ognahay in Kismaayo

la riixayo” ayuu yiri Sandheere.

Waxaa uu sii raaciyey“Meel baa hadda Jirta oo arrinta Badda lagu soo qaadey oo ay Fadhiyaan

dad Somaaliyeed , waxaa Xaqiiqo ah in arrinta Kismaayo ay Dabada la gashey Norway ,

aniga Af Dowladeed kuma hadlayo waxaan ahay Xildhibaan Dowladda Norway waxay

Shirisey dadka Soomaaliyeed ee haysta Dhalashada Wadankaas sidoo kale Wasiirka

arrimha Gudaha waxaa uu Shiriyey Soomaali fara badan oo ku nool Wadankaas oo

aan is aqoon , waxaa la yiri “Norwegian baa tihiin, Nasiib badan baa leedihiin ,

Soomaalina waa tihiin Dowlada Norway Dan weyn bay ka leedahay Soomaaliya

arrintaa baa la rabaa in aad ka noqotaan Hormuud , waxaa idiin ku yeerney in

aad Shaqadaas u istaagtaan oo wax nala qabataan, sidaa darteed Dadka Soomaaliyeed

ee Qoxootiga ku ah Wadankaas qofba mar buu tagey waxay ahayeen Dadka loo

yeerey dad Professional” wuxuu intaa ku darey Xidhibaan Sandheere

“Waxaa si cad loo yiri waa in aad taageertaan Jubbaland ,waayo waxaa tihiin Norwegian,

markii horana Soomaali baa tihiin u fiirsada arrinta Soomaali iyo Norway ma aha , waxaan

nahay wadan baaba’san oo u u baahan in la Maal gasho soo dhawaada oo noo soo

Saara Shidaalka, Sheekadu arrinta sidaa ma aha , danta Norway waa Jubbaland ,

Buuga yarka ee Federaalka iyo Dastuurka Norway Lacag badan baa uga baxdey

Qodobada qaar iyagaa qorey sida aan is leeyhaya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

25331174

Banaadir Post.