Siminaar ay barayaal ka yihiin Yuusuf Garaad iyo wariye ka shaqayn jiray wakaaladaha wararka ayaa lagu qabtay hool kuyaala garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Siminaarka oo socday Afar maalmood ayaa loo qabtay qaar kamid ah wariyayaasha Muqdisho kuwaasi oo qaatay casharro ku saabsan xog helidda iyo baarista wararka ama macluumaadka xasaasiga ah.
Saxafiyiinta siminaarka ayaa matalayay qeybaha warbaahinta sida Tv-yada,Idaacaddaha,wargeysayada iyo website-yada oo dhammaantood labarayay sida ugu muhiimsan ee war loo sameyn karo iyadoo lagu halbeegayo sharciyada saxaafadda.
Qarashka siminaarka ku baxay inta uu socday waxaa bixisay shirkada SKA oo gacanta ku heysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.
Tirada Saxafiyiinta Siminaarka loo qabtay ayaa gaarayay 25 Wariye oo rag iyo dumar isugu jiray.
Wariye kamid ahaa saxafiyiintii lagu casuumay ka qeybgalka siminaarka ayaa noo sheegay arrin layaab ku naqatay saxafiyiinta taasi oo buuq ka dhalisay madasha uu kasocday siminaarka.
Marka ay cashiradu ay soo idlaadeen kaftan iyo sheeko kadib waxaa lagaaray waqtigii loogu talagalay inay shaqeeyaan ilkaha oo ay shiidaan raashinkii SKA ugu talagashay inay ku marti soortay saxafiyiintii goob jooga u ahaa saminaarka macalimiintii bixinayay oo uu kamid ahaa Yuusuf Garaad tifaftirihii hore Laanta afka Soomaaliga BBC-da.
Shaqaallo gaar ah oo cunta karista ku wacan ayaa howlgalaya kuwaa oo ukireysan shirkada afka udhigatay dhaqaalaha adag ee kasoo baxa Garoonka diyaarada Muqdisho.
raashin fudud oo lagu laray Hilib doofaar oo duxaya ayaa lasoo ag dhigay wariyayaashii loo qabtay siminaarka!!.
Saxafi diiday inuu magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in saxafiyiinta ay ka shakiyeen hilibka raashinka lagu soo daray islamarkaana qaar kamid ah wariyayaashu ay ku doodeen in hilibka loo keenay uu yahay Hilib doofaar.
Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay bartii lagu cuni lahaa doofaarka,waxaana kusoo baxay madax katirsan shirkada SKA,wariyaasha qaar ayaa ka xanaaqay bahdilka lagu sameeyay.
Xaalka oo aad ucakiran wariyayaashuna mid dooda iyo mid shibtu kasoo hartay ku biya shubmay ayaa madaxdu shirkadu waxay sheegeen in shaqaalaha shirkaddu leedahay hilibka doonfaar si qalad ah ugu keeneen saxafiyiinta islamarkaana wariyayaashu ay ku sabraan qaladka dhacay,mid kamid ah shaqaalaha oo caddaan ah ayaa yiri “Hilibkan waxaan ugu talagalnay dublumaasiyiinta caddaanka ah iyo saraakiisha AMISOM”.
Awood kale iyo dood kale uma furneen saxafiyiintu wuxuuna warkooda kusoo aruuray hilibka doofaar ma ahayn mid nagula qalday ee kam ku dhacay laakin inaga ayaa nagula talagalay oo nagula eegayay.
Inta Caqliga usaaxiibka ah saxafiyiinta ayaa sheegay in wixii dhacay uu ahaa qalad shirkadu ay ka gashay saxafiiyinta Soomaaliyeed oo diinkooda iyo dhaqankoodu siineyn in ay cunaan wax Allaah ka Xaaraantinimeeyay.
Sarkaal katirsan shirkada SKA iyo Yuusuf Garaad ayaa madaxa usalaaxay saxafiyiinta,waxaana laga codsaday inaysan kahadlin wixii dhacay oo aysan xitaa ogaan warbaahinada ay ka socdeen laakin Soomaali waxba iskama qariso wax walbana waa la ogyahay.
Hadaannu nahay maamulka Mareegta SKA waxaannu umahad naqeynaa mid kamid ahaa saxafiyiintii ka qeybgalay siminaarka ee si qiirad ku jirto nagu soo gaarsiiyay warkaana.waxaana ku xaqiijinay dhacdada baaritaan aynu kusameynay wixii dhacay.
shirkada SKA ayaa Dowladii Shariif lasaxiixatay heshiis miisaaniyad badan ay kuyeelatay Dhaqaalaha Garoonka,waxaana ay garoonka kasaartay muruqmaalkii kaxamaalanayay iyadoo latimid shaqaalle iyo qalab casri ah oo qaban kara dad badan waxay qaban lahaayeen.
Muqdisho Wax walba ayaa laga filan karaa waa magaalo dhanna ka wanaagsan dhanna gubanaysa wixii wadada Wadnaha dhanka Garoonka Muqdisho ka xiga ayuu fisqigu ku badanyahay waxaa la dhihi karaa xaafadaha ku hareeraysan 30-ka,Warshadaha iyo intabadan Waqooyi Bari ee Caasimadda wanaag ayaa weli ku dambeeya.
Banaadir Post.