Shalay ayay ahayd 53 guuradii kasoo wareegatay aas aaskii melatariga Soomaaliya ayaa qaar kamid ah waxgaradka iyo Aqooyahanada Soomaaliyeed muujiyeen farqigaxa udhaxeeya Melaterigii hore iyo midka iminka oo ah maleeashiyo beeleed dhaqan xun.
Waxa ay sheegeen in ciidankii hore ee xoogga dalka ahaayeen kuwa u taagan difaaca DIINTA, Dalka iyo Dadka iyo raadinta Soomaaliya inta kamaqan.
ciidanka Iminka jooga ayay shaaciyeen in taas cagsigeeda ay duulaan ku yihiin Dadkooda islamarkaana dalka intii xorta ahayd ay gumaystaha usoo horkaceen.
Maxamuud Maxamed Faarax oo ah aqooyahan islamarkaana ah oday dhaqan ayaa tilmaamay in aanay isu dhigmin ciidankii hore iyo kuwa iminka.
Halkan ka Dhageyso Waraysiga oo Dhameystiran.
Banaadir Post.