Warar la helay ayaa ku waramaya Ciidamadii Itoobiya maanta qabsaday Degmada Ufuroow inay isaga baxeen degmada kuwaasi oo qabtay wadadii ay ku yimaadeen.
Boqolaal ciidamada Shabaabka ayaa ayaa gudaha u galay magaalada, dagaal dheer oo saacado qaatay ciidankii soo duulay wexey dantu ku kaliftay in magaalda ay isaga baxaan.
Ciidamada ayaa maanta dagaal xoogan uu ku qabsaday Duleedka Degmada Ufuroow ee Gobalka Bay iyadoo ay jiraan qasaaro xoogan oo soo gaaray Ciidamada huwanta gudaha ugalay Degmada Ufuroow.
Xaalada Ufuroow ayaa maanta kacsanayd wacaana ciidamada duulaanka kusoo qaaday degmada ay goobta ka gaysteen dhac iyo handadaad.
Duulaanada ceenkani oo kale ah ayaa kusoo batay degmada mana ahan markii ugu horreysay oo ay soo gaaraan degmada tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo galeen qeybo kamida gobolka.
Xabashida ayaa shalay xasuuq ka gaystay magaalada ay xooga ku haystaan Baladweyne waxayna ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Waxaa dhiigbax ku socdaa gaaladii soo duushay walba ay oo ka joogaan gayiga Somaliyeed.
Banaadir Post.