
Musharax Sh Shakuul Qasnajiga Ictisaam ayaa kismaayo kulan kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Harti oo ka rabo inay gacanta Kismaayo loo galiyo isaga oo wakiil ka ah Kenya oo xoog ku joogta magaalo xeebeedka Somaliyeed ee Kismaayo.
Waa Kuma Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul?.
Shakuul, waa Nin Maraykanka Gobalka Tennessee Imaam Masaajid ka ahaan jiray, wuxuu Muddo 10 Sano kudhow joogaa Kenya, waxay ganacsi, Hoteello, Suuqyo iyo Guryo ganacsi wadaagaan Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shibile, dhinaca kale haddii laga eego Shakuul, Sh, Umal iyo Shibile waa isku Qabiil, waa isku Urur waana Saaxiibo, waxaa Muslimiin badan noo xaqiijiyeen in Shakuul Markii uu Maraykanka katagayey uusan lacag haysan, Wadaaddadaas waxaa la leeyahay Asagaa sabab u ahaa Isdhiibitaankooda, waxaa naloo sheegay in uu ushaqeeyo Sirdoonka Reer Galbeedka, waa Ninka xattaa Itoobiya u dhiibay Jamhaddii Soomaali Galbeed.
Waxaa laga yaabaa in aad tiraahdaan maxaad hadda kahor noogu sheegi weydeen?, inta aanan ka jawaabin su’aasha Akhristayaasha, haddii aan idin weydiino ka warama oo oga jawaabno soo ma wanaagsana in aad Afkiisa ka maqashaan Asaga oo leh, Jaajuus ayaan u ahay Reer Galbeedka?. Shaki kuma jiro Qofkii dhagaysta in uu si deg deg ah u fahmayo cidda Shakuul u shaqeeyo, xattaa wuxuu Ninkaas Afkiisa ka leeyahay waxaa ka xishooda Barre Hiiraale, Cabdi Qaybdiid, Yuusuf Badageed iyo Faroole.
Muxuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul?.
Wuxuu yiri,
1- Itoobiya iyo Kenya Xaq ayey u leedahay Arimaha Jubbooyinka in ay ka hadlaan,, waayo Dad ayaa oga dhintay!, Dhaqaalo ayaa oga baxay, Ninkii yiraahda kama hadli karaan Kenya iyo Itoobiya Arimaha Jubbooyinka waa Nin doqon ah oo aanan waxba kala ogayn”, Tolow Itoobiya iyo Kenya goormay Xaq u yeesheen in ay noo taliyaan ama talada nala wadaagaan?.
2- Wuxuu yiri, “Waxaan u mahadcelinaynaa da’daalka ay wadaan iyo sida ay u taageerayaan Soomaalida”, Tolow Kenya iyo Itoobiya raashin nama siine ma waxaa looga mahad celinayaa xasuuqqii ay noo gaysteen?.
3- Wuxuu yiri, “Kenya Xaq ayey u leedahay in ay hubiso waxa ka jira Jubbooyinka, waayo bahalagaleen ayey noqonaysaa, marka waa in ay hubiyaan si aan looga soo weerarin oo dalxiiskooda aan dhib loogaysan”, Tolow Jubbooyinka Shareecada Islaamka waxaan ahayn miyuu rabaa Shakuul in laga hubiyo oo laga baaro?.
4- Shacabka Jubbooyinka waxay xaq u leeyihiin Dastuurka la isku raacay ee dowladda Federaalka xaqqa uu siinayo in ay qaataan oo maamul dhistaan, cidna uma diidi karto!” Tolow yaa isku raacay Dastuurkaas?,
5- :Caalamka la’aantiis lama noolaankaro, waayo waxaa loo baahan yahay Baasaboor, Diyaarado iyo isdhexgal, Ninkii yiraahdo Dad ayaan meel ku xaraysanayaa Dunida kale waxba laqabsan maayo waa wax aan suurta gal ahayn”, Tolow gaalo iyo Shareecada Islaamka kee laga maarmaa ?, Yaa Caalamka iska leh waa Asaga gaalada siinaya Caalamkee?, yaa waaye Rabul Caalamiin?.
6- Wuxuu yiri, “Caalamku waa State Holder, lagama maarmo, taladana waxbay ku leeyihiin, waxa laga hadlayana ma ahan, Biyo, Bad, waa Arimo la xiriira Amniga waa (Security Issue) xaqbayna u leeyihiin in ay ogaadaan”, Tolow Shakuul ma og yahay, Wadamo aanan UN hoos tagin in ay nool yihiin?, Tolow Shakuul ma og yahay Ilaahay Caalamka oo dhan in uu ka maarmo?.
Banaadir Post