MAQAAL:- Muxuu Federaalku kaqabaa inaan Gobalkeenna shareecada Islaamka ku maamulno maadaama layiri Kitaabka iyo Federaalka isma diidana Qore:-Aqoonyahan Xagaleey.

25334742Dowladda federaalka iyo culumada
ictisaamka badankooda ayaa looga bartay
inay yiraahdaan dastuurka federaalka ayaa
lawaafajiyey diinta islaamka oo wixii aysan
diintu ogoleyn waa reeban yihiin dalkana
laguma dhaqayo.

Haddaba waxaa su,aali ka iman kartaa
maxaa kalifaya in dastuur lasameeyo mar
haddiiba uu dastuurkaasi yahay mid lagasoo
guuriyey diinta islaamka ? yacni maaba
kitaabka quraanka toos loogu dhaqmo oo
laga daayo koobiyeynta ?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa xalaal
dharaar cad baa laqashaa. waxaan ula
jeedaa maxaa looga shirayaa oo loogu
murmayaa dhaqan gelinta dastuurka .
maxaa waxaasoo dhaqaale ah loogu
bixinayaa oo waqti badan loogu dhuminayaa haddii uu yahay xalaal
kitaabka quraanka lagasoo guuriyey ?

Maxaa loola jeedaa dimoqraadi baan ku
dhaqmeynaa dastuurkana kitaabka
quraanka ayaan kasoo qaadaneynaa ?
madhici kartaa middaas, dimoqraadiyaduse maogoshahay ? ileen waa ognahay inay
diintu ogoleyne ? shacabku ma istaahilaan in
been intaas le,eg laga dhaadhiciyo, maxaase
qasbaaya horta ?

Sikastaba ha,ahaatee si looga maarmo
dagaal sokeeye waxay gobolada qaarkood codsanayaan inay dowladda federaalku
ogolaato inay gobiladaasi isku maamulaan
shareecada islaamka oo ay dareemeen inay
tahay badbaadada shacabkooda iyo
jiritaankooda guud ahaan. islamarkaasna ay
ku raali gelinayaan allahooda subxaana qaadirka ah ee abuurtay. ayadoo ay taasina
tahay astaanta islaamnimada oo ay xaq
uleeyihiin inay muujiyaan.

Goboladani madoonayaan in dhulkooda
loosoo diro ciidamo shisheeye oo ka
duminaya nabadda ay hadda heystaan. waxayna si buuxda oon qarsoodi lahayn cod
dheer ugu sheegayaan inay ku qanacsan
yihiin ku dhaqanka shareecada islaamka.
waxay leeyihiin majirto cid naqo qasabtay
oo xoog nagu heysata. anagaa dooranay
waana waajib uu ilaahay addoomadiisa ku waajibiyey oo cibaado ah. taas ayaana
fulineynaa.

Sidaas daraadeed waxay dowladda
federaalka xasuusinayaan inaysan ayadu ku
xadgudbin ku dhaqanka dimoqraadiyadda
ay ayadu qaadatay kuna dhaqmanto oo ogolaanaya in qof ama qolo walbaa ay xur u
tahay diinteeda iyo afkaarteeda.ayagoo
dowladda lafteeda ugu nasteexeynaya inay
gutaan waajibkii ilaahay saaray ee ahaa
inaan ku dhaqmaan kitaabkooda
muqadaska ah. iskana iloobaan ruwaayadaha reer galbeedka.

Qore:-Aqoonyahan Xagaleey.

24530327

 

“Dulli kama baxaysaan hadii DIINTA lagu laaban”

Banaadir Post.

24366029

Banaadir Post.