Uhuru Kenyatta iyo Xassan Gurguurte oo Siyaasadda Jubbooyinka Ku Heshiin Waayey iyo Gurguurte oo Muqdisho ku laabtay.

25303282 (1)Warar aan ka helayno Siyaasiyiin ku sugan Wadanka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa xaqiijinaya in Xassan Gurguurte iyo Uhuru Kenyatta ay isku fahmi waayeen Siyaasadda Jubbooyinka, Xassan Gurguurte ayaa jawaabtii la siiyey noqotay,

(The Head of State noted that the decision by Kenya to move into Somalia and be part of the AMISOM peace keeping force of the African Union)

“Waxaa Madaxtooyada Kenya cadaysay, go’aanka Kenya ay ku joogaan gudaha Soomaaliya in uu qayb ka yahay Ciidamada Amisom ee ah Africaanka Midoobay ee Nabadda Ilaaliya”.

Wararka aan Siyaasiyiinta Kenya ku sugan ka helayno, ayaa sheegay in Uhuru Xassan Gurguurte ku yiri, “Aniga haddaa Kenya la ii caleema saaray, waxba Siyaasadda kalama socdo, Wasiirkii Gaanshaandhiggana lama kulmin, marka waad ku mahad san tahay sida aad oga soo qayb gashay caleemasaarkayga, Ciidanka Kenya waxay kamid yihiin ciidamada Amisom”.

Xassan Gurguurte ayaanan hadalkaas jeclaysan, wuxuuna sheegay in Magaalada Kismaayo xoog ay ku haystaan ciidamada Axmed Madoobe ee Raaskanbooniga loogu yeero. Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa isku hardinaya Baadari Yoweri Museveni oo Uganda Madaxweyne ka ah, Kenya iyo Itoobiya.

Wakhtigaan waxaa Dalka Itoobiya iyo Uganda ku sugan Wafti Xassan Gurguurte u diray oo ay kala hogaaminayaan Wasiirro iyo Ra’isalwasaaraha xukuumadda Ri’dada ah Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isha Warka English ka, Allafrica http://allafrica.com/stories/201304100761.html

C/laahi Shire 
 Xigasho Somalimidnimo.com 

24696953

Banaadir Post