Saacid Shirdoon ayaa dhawaan tagay Magaalada Adis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya,waxaana uu lakulmay madax katirsan Itoobiya.
Xog la helay ayaa sheegeysa in Itoobiya ay kadalbatay Saacid uu isku shaan dheyn kusameeyo Xukuumadiisa isagoo badalaya wasiirro loo soo far muuqay kuna soo daraya kuwa cusub ee ay wadato Itoobiya.
Isku shaan dhaynta ayaa si gaar ah usaameyn doonto wasaaradaha Gudaha,warfaafinta iyo kuwa kaloo kamid ah wasiiro Dowlayaal sida xogta lagu helay.
Itoobiya ayaa shuruud ku xirtay taageerro ay siiso Dowladda Saacid iyadoona latilmaamay in qeyb lexaad leh looga qoon deyn doono miisaaniyada sanad laha ee ay ku shaqayso xukuumada Saacid.
Ragga ay wadato Itoobiya ayaa waxaa laga xusi karaa Axmed Cabdi salaan ay la doonayso inuu noqdo wasiirka warfaafinta amaba safiirka Dowladda ufadhiya Dalka Kenya halkaasi oo Itoobiya u aragto inay kahagi karto siyaasadeeda Somaaliya maadaama Kenya xafiisyo ku leeyihiin dalalka faragalinta ku haya arimaha Soomaaliya.
Lama oga xiliga ay dhacayso isku shaan dheynta golaha wasiirada laakin Saacid ayaa bilaabay olole uu ku hirgalinayo dalabka Itoobiya isagoo arinkaasi kala showraya madaxweyne Xasan Maxamuud Culusow.
Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray ayay Itoobiya dowr weyn ku lahayd,waxaana kamid ahaa wasiiro iyada ay keentay oo ka shaqeeya danaha Itoobiya.
Burburka dhaqaale ee kajira dalalka gaalada isku magacaaba barwaaqo sooran ayaa laga dareemay dunida,iyadoo ay saameyneyso mashruucooda ay ugu magac dareen ladagaalanka argagaxisada.
Xiligii Maxkamadaha oo Itoobiya ay kusoo duushay Gobalada koonfurta Soomaaliya ayay helaysay dhaqaalo ka imaanayay Mareykanka laakin markaan oo bixis ay bilaabeen hadiiba ay soo laabtaan waxay kujoogi doonaan lacago laaluush ah oo ay bixiso Dowladda Federaalka,waxaana lasheegayaa in qeyb kulahaan doonaan dhaqaalaha laga helay Dekada iyo Garoonka Muqdisho.
Jawaari oo ku ooyay General Yahonis”Xabashi”
General Yahonis ayaa la sheegay in uu Jawaari u sheegay in qorshaha ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya lagasoo gooyay wasaaradda gaashaandhigga Ee magaalada Addis Ababa islamarkaana aysan iyagu baajin karin qorshahaasi.
Ciidanka Itoobiya ayaa dhawaan isaga cararay magaalada Xudur ee gobolka Bakool halkaasi oo ay dib ula wareegeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Banaadir Post.