MAALI:-Faransiiska oo bilaabay inay ciidamadooda kala baxaan Maali kadib marxalado adag oo ay la kulmeen.

25299538 (1)Iyadoo ay jireen go’aano ay soo saareen madaxda Faransiiska islamarkaana ay ku imaanayeen dib u dhac  waxaa xiligani qeyb kamida hirgalay in go’aanadaasi lafuliyo si loo badbaadiyo kumanaan ciidamo ah oo ku sugan waqooyiga dalka Maali.

Faransiisku wuxuu ku dhawaaqay in maalintii shalay oo tallaadaduA  aheyd la hergeliyay mashruuc dufcada ugu horreysa oo dhanka ciidankooda ku sugan  Maali ay kaga baxayaan dalkaasi xili maalmihii tagay ciidankaasi ay ku jireen diyaar garow ku aadan sidii ay kusoo baneen lahaayeen magaalooyinka qaar.

Sarakaal u hadlay wuxuu sheegay in hordhac ahaan dib uga gurashadooda Maali ay la baxayaan ciidamo boqolaal gaaraya isagoo xusay in xiligani dalka laga saaray boqol askari iyo qalabkoodii ay ku howlgalayeen tan iyo intii ay soo galeen waqooyiga.

Wakaalada wararka Jarmalka oo uu la hadlay afhayeenka ciidanka duulaanka ku jooga Maali gaalka lagu magacaabo Tery Borkaar ayaa yiri waxaanu ku guuleysanay in dalkooda aan ku celino ciidamo gaaraya boqol askari kuwaaso uu tilmaamay inay kasoo saareen magaalada Teysaaliid.

Magaaladani ay faarujiyeen ciidankani ayaa dhacda waqooyi barri Maali waxaana xiligani lagu soo waramayaa ina y gaareen Abeydjaan  ee Kot deyfwaar oo ah halka ay mari doonaan ciidanka soo duulay.

Warbaahinta Faransiiska ayaa dhankooda soo hadal qaaday wararkani sheegaya in ciidamo hordhac ah laga saaray Maali wexeyna ku tilmaameen qaarkood in dib uga soo gurshada Maali ay bilaabatay iyagoo bilaabay in si tartii tartiib ah loosoo daad gureeyo ciidamada Maali jooga.

Sarkaal Faransiis ah oo ka hadlay dhankiisa soo daad gureynta ciidankani ayuu sheegay ineysan ka dhigneyn talaabadani mid lagu soo gabagabeeyay mujaahidiinta isagoo sheegay in wali ay taagan tahay halistii Faransiiska ku kaliftay in si indho la’aan ah uu isugu tuuro waqooyiga Maali.

Muddo saddex bilood ah oo ciidankani ay ku sugnaayeen waqooyiga gobollada dhaca wexey isku diyaarinayaan dib u laabashadooda iyagoo aan ka taqalusin hadafkoodii ay usoo duulaan tageen, meelaha ay gaareen waxaa kamida xadka kala qeybiya Aljeeriya iyo Maali ilaa buuraha saldhigyada u ah mujaahidiinta ee Efogaas.

Iyagoo qabsaday dhulkaasi baaxada leh ayay muddo ka dib bilaabayaan inay dib kaga soo gurtaan, qorshaha uu doonayo Faransiiska taageero la’aan ka dib ayaa ah in ciidankiisa ay kusoo ekaadaan magaalooyinka waqooyiga ugu waaweyeyn sida Tombakto iyo Gaawo.

25251825

Banaadir Post.