KISMAAYO:-Axmed Madoobe oo laga diiday in hubka laga mamnuuco gudaha Kismaayo.

25285907Dagaal Ooge Axmed Madoobeayaa soo saaray Digreeto uu ku mamnuucayo in hub lagu dhex qaato Gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose,waxaana diiday maleeshiyo beeleedka ku sugan gudaha Kismaayo.

“hubka waa lagala wareegayaa tilaabana waa laga qaadayaa qofkii la arkaa isagoo qori ama hub kale ku dhex sita Kismaayo”ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday Gudoomiyaha KMG Kismaayo ee Axmed Madoobe.

Wareegtada kasoo baxday Axmed Madoobe ayaa durbaba waxaa gaashaaanka ku dhuftay Maleeshiyaadka ku dagaalamay Magaca Dowladda Xasan Maxamuud Culusoow.

Lama oga sida ay u dhaqan gali doonto wareegtada kasoo baxday Axmed oo usharaxan Maamul Kenya ka dhiseeeyo Kismaayo.

Kismaayo ayaa u eg ama ah  magaalo dagaal ma horta ah,waana sida lagu yaqaan magaalo xeebeedkaas Somali dhan wada sheegato laakin maalmahan dhib ka jiro.

540577_117163385089221_100003866814594_80108_2041541885_n

Banaadir Post.