WARBIXIN:-Idaacad ay ka shaqeyn doonaan Haween Kaliya oo laga furayo Muqdisho.

25278955Magaalada Muqdisho ayaa gashay marxalad ka duwan tii ay ku jirtay xiligii gacanta ku haysay xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya waxay la ciirciireysaa qurba joog isaga timid Dunida dacaladeed.

Dadka qurbaha ka yimid  kuwa xun iyo kuwa wanaagsan wey leeyihiin.

Shabaabkii waa laga xureeyay Muqdisho waxa ay dhashay in Magaalada lagu dhex arko Haween Gawaari raaxo iyo kuwa BL- ku dhex kaxeeynaya(Subxaanallaah)

Baarlaman la yiri boqolkiiba sodan waa Haween,xukuumad la yiri waxaa wasiirka arimaha dibada u ah Haweenay dhex fadhiisanaya shirarka caalamka ma ahayn wax wanaag laga fili karayay.

Sumcad xumida Soomaalida ku dul habsatay ayaa si weyn caalamka looga dareemay.

Layaab iyo hadal heyn qof aysan ila wadaagin ayay ii ahayd markii aan maqlay wasiirada arimaha dibada Soomaaliya  waxay ka qeybgashay shirka wasiirada Dalalka carabta oo idilkood rag ahaa.

Haweenayda Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya ayaa xili saq dhexe  la kulmaysa Wasiirka Arimaha Dibada Kenya qarac kale ayay ii ahayd.

Beesha Caalamka xiligii ay dhidibada utaagayeen Dowladda Federaalka waxa ay damacsanaayeen in Wasiirka Koowaad Xukuumada laga dhigo Haweenay laakin Dalal badan ayaa soo jeediyay in marka hore Soomaalida lagu tijaabiyo Ficilka ay ka bixin karaan in  Wasiirka Arimaha Dibada laga dhigo Haweenay.

Waan Aqbalnay in Wasiir arime dibadeed laga dhigo haweenay ,waxa harsan waxa weeye in lasoo magacaabo qof haweenay ah oo raisulwasaare ka ah Dalka Soomaaliya.

Idaacadd loogu magac daray Aman radio ayaa dhawaan laga furi doonaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Howlwadaag,waxaana ka shaqeyn doona gebi ahaanba haween Soomaaliyeed.

Farxiya Faarax Rooble oo ah Agaasime ku xigeenka Idaacaddaan ayaa usheegtay Mareegta ku hadasha Afka Taliska Mareykanka Qaarada Afrika ee Sabahi in arinkaan ay ugu dan leeyihiin in lagu xoojiyo haweenka gaar ahaan dhanka warbaahinta.

bal aynu aragno sida ay ushaqeeyaan

W/Q Injineer  Axmed Cali  Suuxaaye.

24530327

Banaadir Post.

25278913