Qiyaano ILAAHAY Qabtay:-Shirkii Igad oo Addisababa lagu qaban lahaa oo Fashilmay la iskuna afgaranwaayay sidii Somaliya loo qaybsan lahaa!

25272940Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Itoobiya ay ka caga jiidday qabashada shirkan oo loogu magac daray “Shirka ammaanka Soomaaliya”.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay soo jeedisay in arrimaha Soomaaliya ka hadalkooda meelo kale loo wareejiyo maadaama ay  iyadu bilaawday labixitaanka ciidankeeda Soomaaliya welina ay qorshaynayso in ay kasoo baxdo Koonfurta iyo bartmaha dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Itoobiya ayaa ragga wararka fidiya u sheegay in kulankii ammaanka Soomaaliya looga hadli lahaa uu baaqday islamarkaana loo wareejin doono dhanka magaalada Nairobi.

Dowladda Kenya oo qeyb ka ah dowladaha IGAD ayaa la sheegay in ay ka walaacsantahay mustaqbalka ciidankeeda Jubbada Hoose ku sugan oo si joogta ah aan u helin mushaarkii Q.Midoobe balan qaaday.

Si kastaba ha ahaatee dowladaha Soomaaliya kusoo duulay sida Itoobiya,Uganda,Kenya,Jabuuti,Burundi iyo Siiraaliyoon waxay wajahayaan dagaal waqti dheer qaata,dhiig bax joogta ah,askar laga laayo iyo dhulka ay kusoo duuleen oo ballaaran,Rag dagaal kama quustayaal ah illaa qiyaamaha.

24696953

Banaadir Post.