Kismaayo Nasiib Daranaa! Qore:- Aqoonyahan Saciid Islam.

25270586Magalada Kismaayo oo dabayaqadii sanadii 2012 kii ay duulaan cir iyo dhul ku soo qaadeen  ciidamada shisheye ee kenya tasoo suura galisay in si toos ah ay u qabsato magalada Kismayo oo ay maamulayeen 5 sano la soo dhaafay ciidanka Mujaahidiinta Xaraktul shabab Mujaahidiin.

Aragtidii ugu badneed ee laga bixiyay  soo galistii ciidamada kenya ayaa ehayd in ciidanka kenya  in ay qabsadeen magalada kismayo iyo dhamaan goblada Koofurta somalia walow ay jireen dad qabay fikrad ka duwan taas oo ehayd in uun mesha laga saraa mamulkii xukumayay 5 sano ugu danbeesay magaaladaasi  walow  markii danbe xaalku seey filayeen u noqon wayay  oo si toos kenya u qabstay magalada  ayadoo  garab ka helee koox ay saxiib la tahay.

Kismaayo  oo markii ay qabsaden ciidamada shisheeye ee kenya waxaa  soo ifbaxyeen  wajiyo fara badan oo kala duwan haba ugu horeyaan kooxo doonaa in mar ay ka noqdaan gobalada jubooyinka  madaxweyne Gobaleed iyo kooxo  dane qarsoon wato  tasoo midba dantiisa qaaska uu doonaa in u ka dhax argo maamulka lagu wado in laga dhiso jubbooyinka.

Waxii ka danbeyay markii  lagu dhawaaqay in la sameynaa mamul gobleed  la doonaa in loogu magac daro Jubbaland kasoo durba qeylladhan badan  xooga ay ka soo baxday qeyba badan o shalay aaminsana in looga xoreynaa magalada Xarakadii  Shababul Mujahidiin  walow xaalku sida noqon wayay oo  ay cadaatay in kenya rabto in koox gooni ah ay siiso maamulka jubbooyinka


Kismayo Ma Noqon Kartaa  Magaalo u Ka Hirgali Karo Nidaamka  Jubboyinka Loogu Magac daray.

Anoo laba u kala qadaa marka hore shaqeynta maamul laga dhiso shirka kismayo waxan ku bilabaa .

1: Maamul ka soobaxo shirka kismayo waxuu shaqeyo wa inta ciidanka kenya ama taangiyada kenya jogaan jubooyinka waayo hadii ay ka baxaan  ciidanka kenya  waxa hubaal cad ah in kismaayo noqonee sidii  Magalada Xudur o kale.

waxa kaloo hubaal ah  hadii  maamulkaasi lagu wado in laga dhisaayo jubbaland  ay dhicikarto in siyaasiyiin badan ay durba ka kenan qeylla dhaan wa hadii ay dantooda ka wayaan.

2: dowladda uu madaxda ka yahay saacid ayaa si toos u shegtay in aysana marna aqoonsanen waxa ka socodo shirka kismaayo waxii ka soo baxana aysan aqoonsan doonin tasoo ku ah  kooxda kismayo ku shiree  dhibato kaga soo sokeeso inteysanba bixin ciidanka keyna oo hadey baxaan shabab ay si toos ah ula wareegi doonto magaalada kismayo

3:Hadase waxaa dhulkaasi Maamul loo sameeyo ku heshiin la’ qabaa’iladii, iyadoo sidoo kalana ay arrintaasi ku kala qeybsan yihiin dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe mid walibana waa uu isla saxsan yahay

Axmed madoobe aya asgoo qabo fikir ah in uu xaq u leeyahay in u meel marayo shirka kismaayo  asoo ku andaconaa in loo wada dhanyahay  o aysana ka maqneen rer gooni ah waloow ay jiraan dad badan oo qeylladhaan ka kenay in an loo dhameyn sharikaas tasoo keeni karto dagaalo horleh oo ka dhaco gobalka jubbooyinka.

Mala oran karaa qabsashadi kenya ee kismaayo kooxda Icti’saam Baa wax ka ogeed

shalay ayaa mar quraa waxa is badlay aragtida qeyba ka mid ah dadki aamisanaa in kooxda culumaa’usuu ka ah ay ahayen culuma fiican  oo ka shaqeynaa maslaxada umuda somaliyeed tasoo ay in badan ku dhaleeceyeen ciidamada mujaahidiinta oo lagu sheegay in ay diideen in ay wax ka maqlaan kooxda leextay ee ictisaam walow waxii shalay shababul mujahidiin ka digeen soo baxeen

Waxba waxa ka daran  shalay ayey aheed markii madaxii dhaqaalaha e kooxda ictisaam Shukul  u si toos ah u tagay magalada kismaayo asoo leh waxaan ahay  musharax u taagan  jagada Jubbaland  tasoo  bananka soo dhgtay qeylladii  kooxda ictisaam  madama ay si toos ah ugu biireen maamulka daba dhilifka  asoo ku andocooday in ay tahay wax wajib ka saran yahay in u noqdo madaxweyne  jubbaland asoo amaanay dustuurka dhaaguutka ah e u yaal kooxda  Fadaraalka.

Fariin Ku Socoto Kooxda  Kismaayo ku Shiree iyo Ictisaamka Garab Taagan

Somalida waxa ay tiraah nin waxa tagan garanwayay ma garan karo waxa imaan doonana  tasoo macanaheeda yahay waxa manta  ka socodo kismaayo .

kismaayo  shalay hadiii aad aaminsaneedeen shabab uun baa laga saraa kadib baa qabsaneesaan in fikirkaasi mesha ka baxay oo manta xaal faraha ka baxay o arintu  u gashay gacanta ciidanka galada kenya oo marka ay baxaana aad la bixi doontaan  ee inta waqtiga iyo  tariikhda xuman iska hara

W/Q :Aqoonyahan Saciid Islam.

579657_10151587953020990_1614606687_n

Banaadir Post