Mustaf Dhuxulow ayaa Baarlamanka keenay mowshin ay ku codsadeen in gudoonka u yeero Wasiirka Arrimaha gudaha si arrimaha amniga iyo warbixino kale wax looga weydiiyo kuwaasoo ay ku jiraan maxaabiis lagala baxay xabsiyada dowlada oo meydadkooda la helay.
Xildhibaanadan ayaa sidoo kale codsaday in fadhiga uu ka soo qeyb galayo wasiirka arrimaha gudaha ay ka soo qeyb galaan ehelada iyo garyaqaanada u doodaya maxaabiista lagala baxay xabsiyada ee la dilay si ay su’aalo u weydiiyaan wasiirka.
Warsaxaafadeed Laga soo saaray Wasaarada Arimaha Dibadda Dowladda Ingariiska ayaa Looga Digay Muwaadiniita Ingariisku inay usafraan Gudaha Dalka Soomaaliya.
Wasaarada ayaa sidoo kale si degdeg ugu baaqday Muwaadiniinta Ingariiska udhashay inay kasoo baxaan Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaallo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Banaadir Post.