Maxamed xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha taageersan Dowladda Federaalka ah iyo Ciidamada Shisheeye ee Dalka ku soo duulay ayaa sheegay in Shirka Maamul u sameynta Jubooyinka ee Kismaayo ka socdaa uu yahay Mid Dowladda Fededraalka ah Carqalad lagu gelinayo.
Ciidanka Kenya ee Kismaayo jooga ayuu sheegay in Shirkaas ay ilaalo ka hayaan loona baahan yahay in Dagaal Jihaad ah lagu qaado.oo Soomaalidu si cad ula dagaalamaan.
Xaad waxa uu difaacay Ciidamada Uganda iyo Burundi oo uu ku tilmaamay kuwo Sharci u jooga sida uu yiri dadka Soomaaliyeedna ay Nabadda ka caawiyeen.
waxaanuu soo hadal qaadin xasuuqii Ciidamadaasi Uganda iyo Burundi ay Muqdisho ka geysteen sanadihii la soo dhaafay mana dalban in ay Magdhaw ka bixiyaan.
Oday Xaad, wuxuu hadda leeyahay, “Caalamka iyo Wadamada Caafimaadka qaba ayaan Kenya oga dacwoonaynaa haddii ay naga qaban waayeen waan ku Jihaadaynaa!”, Qabiilada Soomaaliyeed goormay Jihaadaan?, malaha markii ay Arkaan Qabiil kale oo Soomaaliya.
Oday Xaad, mar la weydiiyey, Ciidamada Itoobiya ee Beledweyne, Guriceel iyo Gedo jooga wuxuu ku jawaabay “Anigu ka hadli maayo Itoobiya hadda!”. Oday Xaad wuxuu leeyahay “Dad ka yimid, Itoobiya iyo Kenya Maamul uma samayn karaan Kismaayo”.
Odayaashii Hawiye ee C/laahi Yuusuf, Cali Maxamed Geeddi, Xusseen Caydiid iyo Itoobiyaanka Jihaadka la galay, Maantay waxay leeyihiin Itoobiyo ka hadli mayno!, soo Abwaan Khaliif Sheekh Maxamuud markii uu Majeerteen guubaabinayey malahayn,“Allaylehe la dowdabi tolkeen, laguna daanshooye”, Qofkasta waa og yahay Qabyaalad in uu Kenya u diidan yahay. Axmed Diiriye, Maxamed Xassan Xaad iyo Odayaasha Hawiye waxaa u qayilay Wadaaddo Isaaq iyo Daarood ah oo Khudbooyinka Jamcaha ku Akhrinaya in Maamulada Goboladu Muqaddas yihiin oo aanan laga hadli karin.
Shalay oo Jimca waatii Aadan Siiro Khudbadda Jamcaha Xadiithyada Nabiga CS, ku sheegayey in Somaliland haddii Amni ka jiro ay gooni isku taagi karto, sidas ayuu Xadiithkii Nabiga CS u fahmay. Runtii Oday Qabyaalad ka buuxdo warkiisa wax la daabaco ma’ahan laakiin iska dhagaysta oo ogaada Odayaasha Soomaaliyeed badan koodu in Qabiilkoodu uu kala weyn yahay Diinta iyo Midnimada Muslimiinta.
Dhagayso Waraysiga Xaad ee Aflruqaan ka qaaday Mp3 Halkaan Riix Ama Guji
Isha Waraysiga Idaacadda Alfurqaan.
Banaadir Post.