Mahad balaarani waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, taagayna cirka iyo dhulka tiir la’aan nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahato Nabigiisa Muxammed.
Intaa kadib run ahaantii ahal uma ihi qoraalka, khibrad iyo waayo aragnoma igu filana uma haysto qoraalada caynkan oo kale ah hase ahaatee waxaa igu kalifay in aan fikradayda daciifka ah iyo aqoontayda yar aan ku biiriyo walaalaha kale ee aanan u dhuun daloolin taariikhda ama waaqica dhabta ah ee kajira Geeska Afrika gaar ahaan Somalia iyo loolanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya muslimiinta geeska afrika(Somalia) iyo masiixiyad geeska Africa(Eithopia).
Si kastaba ha u noqotee loolankaasi wuxuu soo maray marxalado kala duwan, oo ay igu dambaysay marxalada uu marayo dalka iminka, hadaba arimahaa oo isbiirsaday iyo xaalada uu ku suganyahay dalkayga hooyo ayaa igu dhaliyay in aan wax ka qoro taariikhda cadaawadeed ee u dhaxaysa Somalia iyo Ethiopia ama siraaca diineed ee geeska afrika oo ay kala matalaan labadaa dal ee aanu soo xusnay.
Hadaba somalidu waxay ku maahmaahdaa geeridii laga sheegay galbeed gondahaada ka day, dad badan ayaan ku baraarugsanayn waxa uu salka ku hayo dagalka ka aloolsan gayiga geeska Africa oo aaminsan in uu yahay dagaal qabiil ama mid siyaasadeed balse ay hada u cadaatay waxa uu yahay dagaalku, kadib markii ay ku baraarugeen tankiyada xabashida oo dul abaabaya caasimadii Somalia.
Sidaa aawadeed waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa bilowgii colaada Somalia iyo Ethiopia iyo heerarkii ay soo martay, run ahaantii mowducani waa mid ahmiyad gooni ah xambaarsan ahna mid aad u balaaran una baahan in lagu bixiyo wakhti dheer iyo mudaalaco, suurtagalna ma aha in lagusoo koobo qormo ama qormooyin ee waa mid u baahan in lagu qoro dawaawiin .
Hadaba maadama aysan suurtagal ahayn in lagu soo koobo mowduucan maqaal ama dhowr maqaal, waxaan doorbiday in uu noqdo mid taxana ah si ay uga bogtaan aqristayasha sharafta leh una helaan xaqiiqda dhab ah ee ka dambayso cadaawadaa.
Boqortooyadii Xabashida.
Boqortooyada Xabashidu waxay ahayd boqrtooyo weyn, xiriir wanagsana la lahayd. boqortooyadii Roomanka ee xakumi jirtay inta badan Europe, qaybo badan oo kamid ah Asia.
Waxaa hoos tagi jiray Xabashida dalka Yamen, waxyaalaha lagu xusuusta waxaa kamid ahaa weerarkii uu ku qaaday Abraha kacbatul musharaf uu Allaah ku sheegay quranka, kuna halaagay Abraha iyo wixii uu watay.
Hadaba markii lasoo saarayay Nabi Muhammad S.C.W. Dhulka xabashida waxaa xukumi jiray boqorkii Muslimay ee Najaashi. Sida aan wada ogsoonahay diinta Islaamku waxay soo gaartay Somalia hijaradii koowaad ee asxaabtu ay usoo haajireen dhulki la oranjiray dhulkii Xabishida , waxay kasoo dageen sida lasheego marsadii Zaylac ee Somaliyeed, tankale dhulkaa waxaa ku nolaa qowmiyado fara badan oo ay kamid tahay Somali,Sidaamo,Canfar,Amharo,Tigree,Oromo,Gaalo, Bani Shangul oo dhamaan ahaa dadkii daganaa dhulka Xabashida .
Qorayaasha reer galbeedku waxay ku andacoodaan in Ethiopia ay tahay Christianka geeska afrika, diinta Christinkuna ay gartay bilowgii soo saaris Jesus.
Hadaba su,aasha is weydiinta mudani waxay tahay Islaamka ka hor diimihii laga aaminsanaa dhulka Xabashida?
Adwer Olandrof wuxuu ku sheegay boogiisa layiraahdo “Ethiopians”( kala saaristii diinta iyo dowladnimada “ka hor fiditaankii diinta Christina, dadkii ku noolaa Ethiopia waxay u qaybsanaayeen kuwa aaminsan caqiidada mosame ama diintii mouse iyo kuwa caabuda arwaaxda (Holy Ghost), sidaa darted aad ayay ugu adkaatay diimihii islamka iyo christiankuba in ay si sahlan ugu faafeen, sidoo kale waxay dhibaata ka soo wajahday dadkii laadiiniga ahaa(cawaan)”.Wuxuu kale uu yiri ‘jiritaanka diimeed ee Xabashi wuxuu ahaa mid uu mugdi kujiro wixii ka horeeyay qarnigii 4aad ee miilaadiga, Ethiopia waxaa laga caabudi jiray jinka,geedaha,qoraxda iyo cirka).Dhanka kale waxaa lagu turjumay booka Injiilka luqadii tigreega qarnigii 5aad ee miilaadiga,kadib markii ay soo gaareen eithopia wufuud ka socotay kaniisadihii galbeedka kuwaas oo dhisay macaabid iyo meelo lagu faafiyo diinta masiixiga.
Dowladii Islamka Zaylac ee somaliyeed.
Ummadda Somaliyeed run ahaantii waxaa lagu fuliyay qaacidadii ama oraahdii uu yiri Hitler (Hadii aad doonaysid in aad dishid bulsho dil marka hore taariikhdooda) waxaad moodaa in hadalka uu saameeyay ummadda somaliyeed kadib markii ay soo wajaheen hagardoomooyin,dagaalo badan oo kaga imanayay gumaystihii iyo acdaadii islaamka kuwaas oo qariyay taariikhdii dhabta ahayd ,juqaraafigi iyo siyaasadi, waxayna soo saareen dhalin aanan garanayn dhaqankii,taariikhdii uu lahaa dalkoodii hooyo,garaadkooduna oo ku simanyahay taariikhdii uu qoray gumaystuhu qarnigii 20aad xiliyadii isticmaarka,waxaa layaab ah hadii aad ku tiraahdid mid kamid ah dhalintaa caasimada ethiopia ee addisababa waxaa laga xukumi jiray Zaylac ,ithopiana ma aynan lahayn ee waxay qabsatay xiligii boqorkii mililik ama minilik sanadkii 1893, ama aad ku tiraahdid waa qayb kamid ah dhulka somaliyeed ee ay eithopia gumaysato , wuxuu moodayaa dhalanteed halkadhalinta ithopia lagu ababiyo taariikhdana loogu dhigo in eithopia ay iska leedahay lagasoo bilaabo gacanka cadan ilaa suudaan oo aanay jirin wax Somali layiraahdo,hase yeeshe maanta waaba ka daroo dibi dhal ,oo waxaa yimid qaar sheeganaya siyaasiyiin ama mas,uuliyad oo kusoo hogaanshay dalkii cadowgii soo jireenka ahaa ee umada somaliyeed , si xishood la,an ah ugu hadaaqaya ,hadalada ku dhisan axmaqnimo oo oranaya waxaanu nahay dad walala ah,run ahaantii waa wax laga yaqyaqsado ,lakiin taariikhda ayaa xusi doonta ninkii baal dahaba kagalay halganka iyo kii calooshiis u shaqaysta ahaa, lakiin umad waliba waxay leedahay rag u istaago xuriyadeeda iyo jiritaankeda, somaliyana way joogaan wayna joogi doonan Allah idinkiis .
Hadaba u kaalay meelihii ay xukumi jirtay dowlada zaylac ee somaliyeed iyo imaaradaha hoos imaan jiray.
Imaaradii islamiga ahayd ee “Eifaat” waxay ahayd imaarat xakunto dhulka manta loo yaqaan Shaawa , waxayna dhacdaa woqooyiga addisababa 30km, ka hor inta aneey qabsan gumaystihii Amxaarada bilowgii qarnigii 17aad ee miilaadiga, kadib markii la jabiyay ciidamadii muslimiinta iyo geeridii geesigii weynaa Axmed ibraahim gureey,taa oo ka dhalatay markii ay weerer aad u xoog badan ku soo qaadeen macatab u dirirkii (salibiyiintii) naftood hurayaasha ahaa ee uu soo diray Pop Scander ee uu dambi dhaafka u balan qaaday ee kayimid Europe una hiilinayay Xabashida ,markii ay qabsadeen waxay tirtireen dhamaan ,raadadkii islaamka ,masaajidadii, macaahidii quran, ayagoo ku badalay kaniisado iyo macaabid ,sidoo kale waxay gumaaday dhamaan dadkii ku noolaal deegaankaa oo kaliya ay ka baxsadeen dad fara ku tiris ahaa ee u cararay magaalooyinka jaarka la ahaa imaaradaa, sida ay ku sameeyeen dhulkii Andale’s ama halka hada loo yaqaan spine iyo Portugal oo ay gabi ahaanba baa bi,iyeen raadad islaamka ee kajiray 10 qarni.
Marki ay la wareegeen imaaradaas waxay ka aas aaseen boqortooyada shaawa ee christianka ahayd waxay badaleen dhamaan magacyadii magaalooyinka iyo raadadkii ismaalmka.
2. Imaaradii Dawarow waxay dhacday woqooyiga Baali daanta wabiga, waa dhul beeraleey ah walina waxa dago dad Somali ah.
Saldanadii Araabiini ama alabiini labadaba waa lagu sheegay bookta taariikhda, hase ahaatee magaranayo halka ay dhacdo magaaladan lakiin waxaa la rumaysanyahay in ay magaalada abbo, waxayna iskugu jireen dad qodota ah iyo raacato.
Saldanadii Sharkha waxay dhacdaa saldanadaasi bariga abbo, dadka maglaada waa dad lagu sheegay dad culuma ah jecelna diinta Islamka.
Saldanadii Baali waa saldanadii ugu wayneed dowladii zaylac, waxay macruuf ku ahayd wax soo saarka sida suufka, bunka, dharka, waxayna ahayd dhul beeraleey ah, waxayna kamid tahay magaalooyinka cilmiga loo aado geeska afrika, waa magaalo fiqhi iyo luqada .
6. Saldanadii Daarow waxa lagu sheegaa in ay ahayd saladanadii ugu taagta darayd ee dowlada zaylac.
Saldanadii Caadil, saldanadaas kama hayo wax fahfaahin ah, bookta taariikhdu kaliya waxay xuseen magacaa kaliya lakiin waxay ahayd imaarad kamid ah zaylac.
Saldanadii HADYA waxay dhacdaa koofurta eiifaat waxana xukumi jiray suldaan kaanim oo la Oran jiray jaad, suldaankii ugu xooga badnaa wuxuu ahaa suldaankii ugu xooga badnaa ee soo mara imaaradaas,sida la sheego waxaa in ay dhacdo deeganka ay daganyihiin dadka gambeelaha iyo joodiile, dadkaas oo aha dad walaalo la ah somalida waxana lagu kala magacaaba aboow,waryaa,aykaa.
Saldanadaas waxaa ka soo baxay rag ay taariikhdu xustay geesinimadooda, dagaalyahano ah sida geeska weynaa ee u gargaaray diinta islaamka Jamaaluddin Mohammed sacduddin al zaylaci isagoo difaacay marki ay soo wareertay boqortooyadii tigreega jab lixaad lehna u gaystay ilaa uu dilay boqorkii isxaaq ee ahaa boqor kamid ah kuwii ugu waynaa.
Isku dhicii ugu horeye ee Islaamka iyo Christianka ee geeska Africa.
Sida aan lawada socono dagaalka u dhaxeeyay mujtamacadakii Islamka iyo christianku ee wakhtigaa ma uunan ahayn mid ku kooban dhul cayiman ee wuxuu ahaa dagaalka ku socday hab tartan ama loolan diineed si loo kasbado dadkii cawaanta ahaa ee ku noolaa dhulkaa. Islam wuxuu doonayay in dadkaa laga saaro mugdiga, jahliga iyo gaboodfalka loona daadihiyo cadaalad iyo sinaan,halka christianku uu doonayay adoonsiga ,tagri falka dhac,boob iyo in kan xooga lihi uu qaato kan taagta daran xaqiisa, xeerkoodu wuxuu ahaa kan duur joogta .
Hadaba dadkii cawaanta ahaa ayaa la dhacay cadaalada iyo wanaagii ay xambaarsaneyd risaaladii islaamka dabadeedna isu badal Muslimiin taas oo caro galisay christiankii, dabadeedna waxaa bilowday dagaal military iyo mid siyaasadeed oo u dhaxeeya labadii awoodood oo ay kala hogaaminayeen Imaaradihii islamka ee Zaylac, harar, shaawa, eyfat (Adissababa) ee dhulka somaliyeed iyo boqrtooyadii christianka ahayd ee Axmaara ee katalin jirtay buuraha sare ee dhulka eithopia.
Dagaalkaa wuxuu si toos ah u bilowday kadib markii ay burburtay dowladii Aksomia ee tigreega ahayd, taa waxay keentay dhalashadii imaaradi Amxaaro ee dhulka buuraha sare ee eithopia, taas oo markii dambo ku fiday ilaa dhulka tigreega, taana waxay sababtay in ay is dhaxgaleen dhaqamadii, luqadahii amxaari iyo tigreega ilaa markii dambe laga qoray buug kulminaya luqadahaa laguna magaacabay( jacaz) taas oo noqotay luqada cusub ee dowladaa, markaas ayay bilaabeen qolooyinka faafinayay masiixiyada in ay ku fidiyaan qowmiyadaha kale ee cawaanta ahaa iyo in ay ka hortagaan horomarkii iyo faafidii diinta Islaamka ee Ethiopia.
Qaybtii 2aad (Taariikhda colaadeed ee soo jireenka ah ee Somalia iyo Ethiopia.)
Sida aan ku soo xusnay qoromadeenii hore loolankii u dhxeeyay labadii quwadood oo ay kala matalaan dowladii somaliueed ee zaylac iyo boqortooyadii xabashida (amhaara iyo tigree), wuxuu ku bilowday isku dhac diineed, taas oo keentay in uu noqdo dagaal balaaran oo dhinacya badan taabanaya.
Hadaba isku dhacyadaa waxaa sababay arima badan oo ay kamid tahay kala duwnaashiyihii xadaarada iyo diinta, maxa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa geeska Africa iyo dhulkii laga xukumi jiray zaylac, waxay ahayeen dad haysta ilbaxnimo islaami ah oo ku dhisan cadaalad, sinaan,xuriyad iyo dhaqama aad u wanaagsan, halka ay ahayeen dadkii ku hoos jiray boqortooyadii xabashida, dad cawaan ah dulman, oo kujiray adoonsi, waxay sheegaan dadka wax ka qoro taariikhda Africa, in adoonta ugu badan ee lagu kala iibsanjiray suuqyadii caalaamka wixii ka horeeyay qarnigii 7aad ay ahaayeen dadkii hoos imaanjiray xukunkii boqortooyada xabashida.hadaba qoromadan waxaan uga hadli doona isbarbardhig labadii xadaradood iyo wixii laga qoray.
Isbarbardhigidii heererkii ilbaxnimo ee dowladii Islamic ee Zayla iyo boqortooyadii xabashida.
Mudo aad u fog ayay Xamiitiggi Geeska Africa (Somali, Oromo, Sidaamo iyo Cafar) iyo xeebaha Afrikada Bari xiriir ganacsi la lahayeen khooriga Persia, Koofurta dalka Carbeed, India, Indonesia iyo Chine oo raadreebya badan laga helay.
Inbu batuuta oo sahan ku maray zaylac sanadki “1331’ miilaadiga, kitaabiisa “Alcajaaib al-asfaar”ku sheegay “Waa magaalo madaxda barbariga (Somali) oo dadka Dagan ay Muslim yihiin, xoolohooduna yihiin geel iyo ari waana magaalo saylad balaaran leh oo qiima leh” saidoo kale wuxuu socodkiisaa ku tagay muqdisho isagoo la kulmay boqorkii saldanadii muqdisho Abu shawaar Sheikh Abuubakar Cumar Hiloowle,isgoo ku sheegay dadkii daganaa halkaas dad ilbax ah xadaarad wanaagsana leh,wuxuuna sultankii ku tilmaamay in uu ahaa imam caadil ah dadkiisuna ay aad u jecelyihiin.
Hadii aan ku samayno isbarbardhig labadii xadaaradood waxa inoo cadaanaya in ay ahaayeenn kaaf iyo kala dheeri, maxaa yeelay dadkii muslimiinta ahaa ee ku noolaa Zaylac iyo dhamamn geeska Africa waxay ahayd noloshoodu mid aad u sareysa,hadii ay ahaan lahayd xaga Handasada sidii ay u dhisan jireen guryaha,xaga ganacsiga,waxbarashada iyo caafimaadka .
Waxaa taa kuu cadaynaya hadii aad dheehatid magaalooyinki waa weynaa ee somaliyeed sida Zaylac oo ahayd caasimadii dowladii zaylac,harar oo hoos imaanjirtay Zaylac,Muqdisho,Baraawe,Barbara,Marka iyo Cadil.waxay ahaayeen magaalooyinka ugu waaweyna geeska Africa .
Waxay ku tilmaameen qorayaashii iyo dhulmareenadii muslimiinta ahaa nolasha dadkii ku noolaa magaalooyinkaas iyo xukaamtoodiba nolol aad u sareysa.
Hadda u kaalay Ibnu Fadlu-llaah Al-cumari, Al-qalashqaandi, Almaqriizi, Al-idriisi, Al-yacquubi iyo Ibnu-Batuuta “oo ka sheekaynaya magaalooyinka somaliyeed iyo dakii ku noolaa,waxay sheegeen in ay ahayeen magaalooyin aqooneed oo inta badan aad looga ixtiraamo dadka cilmiga leh gaar ahaan culumada, sidoo kale waxay caan ku ahaayeen qudaat(Judges), dhanka boqorada waxay ku sheegeen in boqorku, uu ku fariisanjiray korsi aad u sareeya oo ka samaysan bir lagu xardhay dahab iyo qalin,halka ay umarada kale fariisanjirtay hareeraha boqorka ,sidoo kale waxay tilmameen labiskii ay qaadan jireen boqoradaa oo ay ku tilaamen in uu xiranjiryay boqorku Taaj aad u quruxbadan laguna naash naashay xariir taas aad u quruxbadan, halka madaxda kale ay xiranjireen dhar suuf ka samaysan oo lagu xardhay xariir,halka dadka kale ee shacabka ah ay xiranjireen dhar ka samaysan suuf aad u quruxbadan.
Sidoo kale waxay sheegeen taariikhyahandaasi sicirkii cuntada lagu kala iibsanbjiray suuqayada magaalooyinka Islamic ah waxay sheegeen in 3o rodol ee hilibka ah la siisanjiray 2dirham, waxaa kale oo magaalooyinka wax lagu kala iibsanjiray dahabka iyo qalinka”.
Dhanka kale dhalintii reer Zaylac waxay wax barsho u aadi jireen magaalooyink cilmiga sida Maka,Madiina,Qaahira,Dimishqi iyo Yemen ayagoo ka baranjiray Fiqhi, Xadiis,luqada iyo culuumta kala duwan,sidoo kale waxaad arkaysaa in wadamadaa aanu soo xusnay ay meelo gooni ah ay u cayimi jireen ardada ka timaada zaylac ama dhamaan dhulkii xeebaha ee somaliyeed. Syria tusaale ahan waxaa jiray qasri wayn oo lagu saacidi jiray dadkii ka imanajiray Sudan iyo Zaylac,halka Qaahira azhar ay u cayintay meel la dajiyo ardadii ka imaan jirtay Zaylac waxaana lagu magaacaabi jiray uruqatu Zayaalica.
Waxaa intaa dheer Zaylac waxaa ka soo baxay culumo aad u waawyn oo manta kutubtoodu ay marjac u yihiin fiqhiga iyo xatiithka sida:
Cabdullah Ibnu yuusuf Ibnu Mohammad Al Zaylaci, wuxuu iska leeyahay kutub layiraahdo “Nasbu-rraayah Li- axaadiith al hidaayah” wuxuuna ahaa xanafi, kitaabkaasi wuxuu ka mid yahay kutubada la ictimaado xaga axnaafta ama dhamaan kutubada xadiithka, sidoo kale ardaydii shikha waxa kamid ahaa Ibnu xajar- al casqalaani oo ah shaarixa kutubka layiraahdo “Fatxul baari”.
Wuxuu dhintay shiikhu sanadkii762 hijriga.
Fakhruddin Cusman Ibnu Cali Al-Zaylaci. Kutubtiisa waxa kamid ah, kitaabka layiraahdo “Tabyiinul xaqaa-iq fii-sharxi Kanzu al- Daqaaiq”, waa kitaab aad u qiima badan oo fiqhi ah.
Carab Faqiih, waa qoraagii Imaam Axmed gureey wuxuu qoray kutubka la yiraahdo “Futuux Al-xabasha” waa booga kaliya ee loogu noqdo taariikhdii muslimiintii zaylac iyo dagaaladii ay lagaleen christiankii xabashida iyo Portugal.
Waxaa halkan inooga cadaaday in dadka somaliyeed ay yihiiin dad soo jireen ah oo leh taariikh aad u fog.
Carabtu waxay xeebaha Afrikada Bari ay aqoon u laheyd tan iyo waayo fog waxayna aad wax uga qortay heerka ganacsiga ee magaalooyinka xeebaha iyo dadkii deggenaa dhaqankiisi.
Waxaa xusid mudan ineey carabtii qarniyadii dhexe ee miilaadiga wax ka qortay dalka Somalia waxayna u taqiin dalkii beberigaa ama barri-alcajam walina waagaa sooma ifbixin magaca Somalia.
Qoryaashi Islaamka ee wax ka qoray dhulka somaliyeed iyo guud ahaanba Geeska Afrika waxaa kamid ahaa: Alyacquubi, Ibnu idriis, Yaaqu al xamawi, Ibnu batuuta, Ibnu khalduun, Ibnu saciid, iyo qaar kale oo aad u badan wallow aynan somalidu wax tixraac ah ku samayn.
Hadaba ilbaxnimadii xabashida oo aad u hooseysay markii aad dheehatid nolashii ay ku noolaayeen xabashidu, waxay kor isii kicisay colaadii iyo dagaalkii u dhaxeeyay iyaga iyo muslimiintii Zaylac.
Waxaa dabka ku sii shiday colaada mustawihii ay maraysay xadaaradii dowladii zaylac dhanka maadiga iyo dhanka moralka intaba, iyadoo ilbaxnimadii dowladii zaylac ay ahayd mid la hana qaaday horamarkii barigaa ay ku tilaabsadeen wadamadii muslimiinta ah sida Iraq, Syrian, Magolis iyo Xijaaz,ayadoo zaylac iyo muqdisho ay noqdeen labada magalo ee ugu saraysa xaga ganacsiga ee Geeska Africa .
Hadaba waxaa inoo cadaynayaa xadaaradii xabashidu heerka ay maraysay, qoraaga weyn ee Almaqriizi oo isagu sahan ku maray boqortooyada xabashida iyo waxii uu ka qoray.
Wuxuu ku sheegay Kitaabkisa “Al-ilmaam” Xabashidu waxay daganaayeen guryo laga sameeyay coosh, harna looga dhigay soda ama maqaarka lo,da,waxayna ku cunayeen hilibka lo,da qayriin, isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri , wuxuu ii sheegay ruux arkay Sayf orcad “wuxuu ahaa mid kamid boqoradii xabashida wuxuuna kamid ahaa usradii Sulaymaniinta ahayd ee xukumi jirtay xabashida, wuxuu xukumayay 1382 ilaa 1411 miilaadiga” in uu arkay isagoo cunaya hilib qayriin ah oo laga soo jaray neef nool oo lo, ah , sidoo kale wuxuu yiri waxaan indhahayga saaray nin cunaya digaagad nool oo qaylinayso”, kafiiri bage 2,3 ee kitaabkaas.
Waxaa taageeraya tilmaaha uu sheegay maqriizi taariikh yahano booqday isaga kadib, ha ahaadeen Muslimiin ama Christian ajaanib ah.
Xiimi oo booqday bartamihii qarnigii 11aad ee hijriga ama qarnigii 17aad ee miiladiga, wuxuu ku sheegay kitaabkiisa “Siiratul xabasha, bage 99″ isagoo tilmaamaya qalcadii uu ku noolaa boqorkii xabashida wuxuu yiri dhamaan guryaha boqortooyadaasi waxay ahaayeen acshaab ama ulo, laga soo jaray dhirta”.
Xiimi kadib, waxaa yimid dhulmareenkii Scottish ahaa James biros oo booqosho ku tagay xabashida sanadki 1183 hijriga ama1769 miilaadiga, wuxuu ku noolaa 3sano, isagoo ku xanuunsaaday, kadib markii uu la qabsan wayay dhaqamadii xabashida, wuxuuna tilmaamay sida ay xabashidu, u malafsanjireen hilibka qayriinka ah gaar ahaan hilibkii lo, da, waxayna dhaayihiisu soo arkeen sida ay hilibka uga siibi jireen jirka neefka lo,da oo nool,dabadeedna ay u cuni jireeneen sidii dugaagi.
Sidoo kale waxa tilaamay arintaa Saadaq baasha Alcadami kadib markii uu booqday isna dhulkii xabashida ee buuraha sare qarnigii tagay.
Hadaba waxaa inoo cadaatay sugnaashiyaha hadalkii uu soo tabiyay Almaqriizi afar qarni kadib.
Dowlada xabashidu maynan ahayn kaliya mid ku liidato xaga nolasha ee waxay aad uga hooseysay dhanka maamulka, dhaqaalaha, dagaalka, dowladihii dariska la ahaa gaar ahaan dowladii zaylac.
Hadaba eeg Almaqriizii oo markale tilmaamaya qarnigii 9aad ee hijrada ama qarnigi 15aad ee miiladiga, wuxuuna yiri “waxay ahayd saldanadii Isxaq daawuud,taas oo maqriizi ay isku wakhti ahaayeen iyo boqrtooyadii Abihii hamajiyiin (juhalo) anan waxba qorin waxna akhrin,wuxuu yiri ma ayna lahayn wax diiwaan,tartiib iyo qanuun intaba .
Guntii iyo gunaanadki, akhristoow hadii somaalidii barigaa ay xabashidii ku khasbeen in ay hilibka qayrinka ah cunaan ama digaagadaha nool ay dufta ku liqaan baqdin ay ka qabeen, in Axmed gureey iyo colkiisi galaaftaan, kuna khasbeen in ay buuraha miciin bidaan, kana zuuliyeen in ay jadiinka mariyaan wax bisil.
Hadaba hadii aad gacanta u gashid caruurtii aabayaashood sidaa loo galay, laguna soo barbaariyay cadowtooyada somaliyeed ama aad isu dhiibtid? maxaad ka filan kartaa? Waxaan u malaynayaa in su, aashaas jawaabteeda cidna gibil ka saarnayn, mirihii kadhashay cadow lasoo dhawaystana, in ay maantaba soo ifbaxeen walina aneey faanoole fari ka qodneeyn. Waxaa intaa dheer ninka aaminsan in ethopia ay ka shaqaynayso maslaxad umada somaliyeed wuxuu lamidyahay Nin abeeso farqaha ku wato.
Horay ayaa loo yiri “Axdi malaha ethopia lagu aaminaaye waa abris iyo abees afka kala hayoo ubad iyo caruur oday iyo haween waxii uu arkaba alamsiinayoo, anaguna hadii aan nahay Islam aayeheenu waa umadyahay midnimo, arligana angaa iskaleh ethiopiana ma ogolin”.
Hase yeeshee waxaa jira rag talo ku gooyay geddina isku raacay in ay geeri iyo nolo ka xigaan gumaysiga, marka Allah waxaan uga rajaynayaa in uu guuleeyo.
TIXRAAC (references).
1. “Wathaaiq cani somal, xabasha, irateria” waxaa qoray Axmed barkhad maaxi”waa qoraa somaliyeed.
2.Alcilaaqatu-siyaasiya bayna muslimi al-zaylac wannasaara al xabasha”.Dr Rjab Mohamed cabdul-xaliim.
3.The Ethiopian, an introduction to country and people” waxaa qoray Ulenderdorff (Edward).
4. “Futuuxul xabasha” Carab faqiih.
5. “Tuxfatunnadaar fii qaraaib al amsaar” Ibnu batuuta.
6. “A somaal wadanan washacban.” Mohamed cabdul muncim.
7. “Duwal fii sharqi ifriiqiya (Somali, harar)”Dr.maxamed muctasim.
8. “Tuxfatul awfiya limasiirati altaxriir, waltacriib liqarni al-ifriqiya”.waxaa qoray Ibraahin Abdullah Mohamed, waa qoraa Somali ah.
9. “Alnizaac al Somali wal itoobia” waxa qoray Cali axmed nur.
10″Al-somaal alkabiir” waxaa qoray Dr.raashid baraawi.
11. “Al-somaal qadiiman wa xadiisan”.waxaa qoray Xamdi sayid saalim.
12. “Islam wal xabasha cabra taariikh”.Almuhandis fatxi qayth.
—————
FG.waxaan ka cudurdaaranaya in maqaalkaygii hore anan soo raacin wax tixraac ah, hadaba aqristaasha sharafta leh waxaan u sheegayaa in masaadirtii hore iyo kuwii dambe intaba an ugu soo gudbiyay halkan, sidoo kale waxaan u mahadcelinaya dhamaan intii igu biirisay talo iyo tusaale,walina kama maarmo talada akhristayaasha,hadaba lasoco
qoromada dambe.
Qore Zakaria Ismail Haji nur.
Pakistan—Islamabad.
Email: zakarie_21@hotmail.com
Banaadir Post.