Gudoomiyihii hore ee Hey’adda nabad sugidda Dowladda Fedraalka Axmed Macalin Fiqi ayaa kaa daaha ka qaaday Macluumaad sir ah oo u qorsooneyd Shakhsiyaad ka tirsan Ururka Al-Ictisaam.
Isagoo shalay ka hadlayay Xaflad lagu sagootinayay ayaa Axmed Macalin Fiqi waxa uu si aan gabasho laheyn u laheyn in Nuur Baaruud Gurxan uu yahay Xubin ka tirsan Hey’adda Sirdoonka Dowladda Fedraalka ee loo yaqaano nabad sugidda, wuxuuna ku amaanay sida hufan ee Hey’addaasi uu ula shaqeeyay.
“ Waxaan Xushmad u aheynaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo Hey’adda qeyb ka ah, annagu qeyb ka nahay, waxaan ugu mahad celinaynaa howshii uu qabtay” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa uu sheegay in Nuur Baaruud Gurxan uu gacan weyn ka geystay sidii Sirdoonka Dowladda Fedraalka loogu dhisi lahaa waxa uu ku tilmaamay dhinaca Caqiidada, sidii ay u wajihi lahaayeen Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyihii hore ee Hey’adda Nabad sugidda Dowladda Fedraalka ayaa waxa uu fadeexad ku yahay Wadaadada Ururka Al-Ictisaam guud ahaan, gaar ahaan garabkooda Muqdisho ee uu hogaamiyo Bashiir Axmed Salaad, waxaana tani ay ka marqaati kaceysaa tuhumo dhowr jeer oo Wadaadaas loogu jeediyay inay la shaqeeyaan Dowladda Fedraalka iyo Maamullada Ashahaada la dirirka ee gobollada dalka ka jira.
Dhageyso Qeyb ka ah Khudbadda uu jeediyay Axmed M.Fiqi
ISHA WARKA AMIIRNUUR MEDIA.
Banaadir Post.