Ciidamada Xabashida intoodii ugu badnayd oo ka guuray Guriceel iyo Suufiyada oo diyaarsan inay sii racaaan!!

25232223Boqolaal katirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka ciidanka Xambaara ayaa maanta gelinkii dambe u baxay dhanka degmada Balanballe ee xad beenaadka dhacda.

Ciidamo kale oo Xabashida Itoobiya katirsan ayaa weli ku harsan magaalada waxaana jira dhaq dhaqaaqyo bixitaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay sameynayeen ciidanka Itoobiya.

Saraakiil katirsan kooxaha Suufiyada “Qabuurogaleenka” ee Guriceel maamula ayaa isbuucan gudihiisa kulan laqaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka Itoobiya waxaana loo sheegay in ay isku tashadaan,laakin cabsi jirta awgeec waxay la sheegaya inay sii raaci doonaan.

Dowladda Itoobiya ayaa lafilayaa in ay ciidankeeda kala baxdo gobolada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya inta aan lagaarin bilaha June iyo July.

25213002

Banaadir Post.