Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan inuu maanta halkaas gaaray Maxamed Ibraahiiim Shakuul oo ka tirsan Wadaadada Ururka Al-Ictisaam.
Barqanimadii maanta ayuu Shakuul ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan qaraabadiisa iyo xubno ka tirsan Maamulka ka taliya magaalada Kismaayo.
KISMAAYO: Shakuul oo Kismaayo gaaray sheegayna inow yahay Musharax yahay!
https://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=nrLkWQ6gZC8#t=2s
Maxamed Ibraahim Shakuul waxaa soo dhaweeyey Axmed Madoobe, waan ogayn Wadaaddada Al-Ictisaam ee Kenya jooga waligood in ay dhaqaalo ku bixin jireen in Xarakada Al shabaab laga saaro Magaalada Kismaayo. Shakuul wuxuu qabtay Shir jaraa’id wuxuuna shaaciyey in uu Musharax yahay.
Wadaadakan oo ka mid ah Ururka Al-Ictisaam ayaa waxa uu ganacsi ku leeyahay dalka Kenya, waxaana wareysi uu mar sii horeysay siisay mid ka mid ah Telefeshinada Soomaalida uu ku sheegay inuu gumeysi u arkin Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan, isagoona tilmaamay in Ciidamada Kenya iyo kuwa la mid ah ay u yimaadeen inay dalka nabadeeyaan.
Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Maxamed Ibraahim Shakuul MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Dhagayso Shakuul oo Dumarka taageero ka raadinaya MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Fadeexaddii Shakuul Video Muuqaal ah Halkaan Ka Daawo Youtube Riix Halkaan
Daraasaad Cilmiyeysan oo aan ka samaynay Shakuul Qormo hore Halkaan Riix Ama Guji
Banaadir Post.