Sarkaal Ugaandhiis ah ayaa canaan iyo bahdilaad u geystay ilaalada Somalida ah Xasan Gurguurte isaga oo fadhiya arkanaya waxa lagula kacayo raga ay qaraabada ama qolada gaarka yihiin.
Sarkaalka ayaa magaciisa lagu sheegay in la yraahdo Jimcaale Yalaxoow,waana Somali,waxaa bahdilaya Sarkaal Ugaandhiis ah dilna ugu hanjabaya,xili uu khubad jeedinayay Xasan Gurguurte!
Arinta ugu yaabka badan ayaa noqotay Madaxweynaha oo la rabay inuu jawaab ka bixiyo bahdilaadan,ayaa sida caadada u aheyd waxaa la arkayey isagoo gacan kor-u-taagaya dhoolacadeyn iyo qosol-beenaad ku dhufanaya!
Waxaa Sawirkan ka naxay kuwa damiirka oo leh oo dhan,waxaana ka gaabsaday kuwa duloobay oo dabadhilifiinta ah sida Xisbiga Damjadiid oo xasan Gurguurte ka tirsan yahay.
Tixdan hoose waxaa tiriyay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,AUN.wuxuuna gaalo iyo dabadhilkooda ku yiri sidan hoose:-
Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane
- Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
- Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
- Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
- Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
- Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
- Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
- Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
- Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
- Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
- Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
- Sida doxorka Iidoor anaan, duud xamaal noqone
- Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
- Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
- Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine.
Banaadir Post.