DHAGEYSO:-Xildhibaan Cabdirashiid Xidig”Dastuurka Puntland iyo kan Jubba Land wax badan bay wadaagaan”

25219848

Xildhibaano badan oo gaashaanka kudhuftay Siyaasada Dowladda ee ku aadan shirka Kismaayo kasocda ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Xildhibaanadaasi waxaa hogaaminayay Cabdirashiid Maxamed Xidig kuwaasi oo ka anbabaxay Magaalada Muqdisho.

“Waan taageersanahay Dastuurka Dowlad gobaleedka Jubbaland”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

“Dastuurka Dowladda marka laqorayay ilaa 50 dastuur ayaa la isku keenay,waxaan u arkaa in wanaag ay tahay haddii dastuur Soomaali leedahay marka wax badan oo aan lasoo koobi karin bay wadaagaan dastuurka Puntland iyo kan Jubbaland”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Xidig ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qorshaha Kenya ay kudoonayso inay dhisto Maamul isku xira Gaarisa ilaa Kismaayo.

Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waa ku ceeboobeen, waatii Xassan Gurguurte meeshii uu tago Qalka inta kala qaado uu ku hayey Caalamka ayaa Na’ Aqoonsaday, soo Ilaahay ma qadarin in Ciidanka Kenya ee xoogga Soomaaliya ku haysta in ay Amarka ka qaataan Axmed Madoobe halka Saacid Shirdoon iyo Wasiiradii Xassan Gurguurtana ay kasoo cayriyaan Kismaayo, haddii Caalam Aqoonsan yahay xattaa muxuu u ceshan waayey Xildhibaanada Kismaayo tagay, Yaa diray Xildhibaanada?.

Siyaasaddii Soomaaliya waa looga adkaaday Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon, Xildhibaano aanan cidna shaqo u dirsan ayaa leh Dowladda iyo waxaan hishiisiinaynaa Axmed Madoobe, Ninka sidaas leh waa C/rashiid Xidig oo waligiis Axmed Madoobe taageersanaa Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoonna Warbaahinta ka weerarayey.

25219531

Dhagayso Wareysiga aynu layeelanay Xidig.

Muxuu Hadda Kahor Yiri C/rashiid Xidig?.

Waxaad hoos kadhagaysan doontaan  Waraysi C/rashiid Xidig laga qaaday oo aan hadda kahor daabacnay, waa Ninka Maantay leh Axmed Madoobe oo dhinac ah iyo Xassan Gurguurte iyo Saacid oo dhinaca kale ah, ayaan hishiisiinayaa, Dhagayso sida uu Professor Dalxa u leeyahay waa Beenlow, Xildhibaanada kalana uu u weerarayo, wuxuu leeyahay C/rashiid Xididg “Maa, Magaalada Baledweyne laga hadlo maxaa Kismaayo looga hadlayaa?”, Baarlamaanku waa gaas waa dirireen hadda waxaa soo socda dagaalkii Labaad ee Baarlamaan Ri’dada ah ay Kuraas Madaxa iskala dhici lahaayeen. Waa in ay Xildhibaanada Xassan Gurguurte taageersan ee Beelaha Hawiye ay Madaxa Bud kala dhacaan markii Xildhibaanada C/rashiid Xidig ay Muqdisho ku soo laabtaan.

Dhagayso Waraysi hore C/rashiid Xidig BBC MP3 Halkaan Riix Ama Guji

25142360

Banaadir Post