Sheekh Cumar Daahir Sheekh Cabdiraxmaan oo kamid ah Culumada Ictisaam ayaa sheegay inaysan xaaraan ahayn dhagasyiga Heesaha iyo Daawashada Aflaanta xili uu lahadlayay raadiyada Dowladda.
“beryahaan danbe waxaa soo baxay dad dhaqamada iyo waxa ay naftooda ugu raaxeeyeen diidan oo kasoo horjeeda kuwaasi waxaa kamid ah xarakada mujaahidiinta Alshabaab”ayuu yiri Sheekh Cumar Daahir.
“heesuhu waa un hadalka, xaaraan kuma noqonayaan in lagu luqeeyo oo miyusig lasaaro”ayuu raaciyay hadalkiisa.
heesuhu lagama maaro waa xalaal mubaax ah oo wanaagsan”ayuu kudhidbay hadalkiisa Sheekh Cumar Daahir oo kamid ah culumada Islaaxa.
Dhagayso Codka Sheekh Cumar Daahir.
Sheekh Maxamed Balli oo kamid ah Culumada Diinta Islaamka ayaanu hordhignay hadalka Cumar Daahir.
Dhagayso Codka Sheekh Maxamed Balli.
Fanaanki Hore – Aweys Qamiis Mabuute ~ Ayaa Ugu Baaqay Fanaaniinta In Allah U Toobadkeenaan.
Banaadir Post.