Magaalada Kismaayo waxaa gaaray Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Raisalwasaarihii Xukuumaddii Sharif Sheekh Axmed iyo Xildhibaano isku beel kore yihiin . Xassan Gurguurte dagaal Siyaasadaysan la galay wuxuuna ku keeni doonaa inow Banaadir ka dhamaan waayo.
1- Ina Ilay,
2- Faroole,
3- Gaandi,
4- Axmed Madoobe,
5- Afhayeenka Kenya Faarax Macalin,
6- C/naasir Seeraar
7- Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Maxamed Xaaji Yuusuf,
8- Al-Ictisaam Daarood ee Kenya jooga,
Soomaaliya waa la kala boobayaa, Soomaali xattaa haddii ay 4.5 la yiri waa iska daayeen si kale ayaa loo qorayaa, Faroole waatii uu yiri, Xisbiyo ayaan samaynayaa, hadda Puntland waxaa ka socda Qabiilkasta in uu samaysanayo Xisbi, marka waxaa dhacaysa Qabiilkasta oo Soomaaliya in uu Dowlad ku dhawaaqo oo gaalo soo ka xaysto.
Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waa horay ku fashilmeen Siyaasaddii ay Soomaaliya ku hogaamin lahaayeen, waa kaas Saacid Shirdoon xattaa Odayaashii Gedo soo cayriyeen oo dheheen maxaad noo haysaa oo badal ah, aan ka harnee Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar?, Soomaaliya waxaa ka socda in Qabiilada waa weyn ay ku habsadaan Qabiilada kale, waxaa dhaqaalaha iyo gaalada wata waa Qabiilada sheegta in ay ka tira badan yihiin Qabiilada kale.
Waxaa Soomaaliya Reer Galbeedku kadhigayaan, Gobolo Qabiilo ka taliyaan, Imaarado yar yar oo Kenya iyo Itoobiya hoos taga oo Qabiillo haystaan. Markaas ayaa Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waxay u qabaan in Caalamku aqoonsan yahay, maxay u joojin waayeen Shirka Kismaayo?, maxaa Ciidamada Kenya oga amar qaadanayaan Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar oo Saacid Shirdoon iyo Xassan Gurguurte oga amar qaadan waayeen oo Shirka Kismaayo u joojin waayeen?, Waayo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya?.
Waa iska caddahay in aysan Soomaaliya ka talin Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon, Qabiilada Soomaaliya waxaa hogaanka u haya Hay’ado gaalaa oo Nairobi jooga, kuwaas oo leh dano gaara. Dastuurka Jubbaland la yiri waa loo dajinayaa waxaa Puntland kasoo qaaday Hay’ad Wadanka Norway laga leeyahay, Wadanka Norway ayaa doonaya in Shirkadahoodu ay Shidaal iyo Macdan kala baxaan Dhulka Soomaaliyeed oo Kenya ayaa deegaanka Fax’faxdhuun iyo deegaan kale ka qodanaysa Shidaal.
Dhagayso Cumar C/rashid oo Qabyaalad Shirka Kismaayo u tagay MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Banaadir Post