Human Rights Watch ayaa banaanka soo dhigtay gabood fallada aadka u xun ee Maleeshiyada Jawaasiista DF-ka kula dhaqmaan dhalinyarada Muqdisho sida dilalka iyo shirqoolada lagula kacayo dadka indheer garadka ah.
Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowlada iyo kooxo hubeysan ayaa kufsaday, garaacay, ama xadgudub u geystay Soomaalibarakacayaal ah oo yimid caasimada Soomaaliya ayagoo ka soo cararayay macaluul iyo colaado hubeysan laga soo bilaabo 2011, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin maanta la soo saaray.
Warbixinta oo ka kooban 80-bog laguna magacaabo, “Lahaysteyaasha Waardiyeyaasha Ganjeelka: Xadgudubyada ka dhanka ah Dadka Wadanka Gudihiisa Ku Barakacay ee ku sugan Muqdisho, Soomaaliya,” ayaa waxay faahfaahinaysaa xadgudubyo xunxun, oo ay kujiraan weeraro toos ah, xanibaadyo dhanka dhaqdhaqaaqa iyo helitaanka raashinka iyo hoyga ah, iyo takoorid qabyaalad ku salaysan oo ka dhan ah dadka soo barakacay ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo halkaa ku soo barakacay markii ay macaluushu mareysay meeshii ugu xumayd bartamihii-2011 ilaa 2012. Wareysiyo lala yeeshay 70 qof oo barakacayaal ah ayaa waxay muujiyeen siyaabaha ciidamada dowlada, dabley taabacsan, iyo darafyo gaar ah, oo inta la og yahay ah maareeyeyaasha xerooyinka oo loo yaqaano “waardiyeyaasha ganjeelka,” ay uga faaiideystaan unuglaanta bulshadu u nugushahay dhibaatooyinka.
Saraakiil katirsan hay’adda waxay sheegeen in ay hubaan iyo ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad taabacsan ay ku dhaqaaqaan falal ka dhan ah beni’aadanka,warbixinta kasoo baxday hay’adda sheegata in ay xuquuqda dadka u doodo waxay bixinaysaa caddeymo iyo digniino muujinaya in ay dhici karaan tacadiyo hor leh oo maatida muqdisho ka dhan ah.
“Badalkii meel wanaagsan oo ay uga badbaadaan dagaalka iyo macaluusha ay heli lahaayeen, barakacayaal badan oo Soomaali ah oo yimid Muqdisho waxay la kulmeen cadaawad iyo xadgudub,” sidaa waxaa tiri Leslie Lefkow, oo ah kuxigeenka agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch.
HRW waxay warbixinteeda ku xoojisay wareysi ay ka qaaday goob joogayaal kuwaasi oo xaqiijiyay in kufsi uu dhacay oo gabdho lagu xadgudubay,maleeshiyaadka DF-ka oo caan ku ah isticmaalka maandooriyaha khaadka ayaana falalkaasi ku dhaqaaqay.
Kufsiyo iyo xadgudubyo dhanka galmada ah oo loo geystay dumar iyo gabdho, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo askarta dowlada iyo xubno ka tirsan dabley ay geysteen, ayaa waxay ahaayeen dhibaato weyn oo ka dhacday deegaanka aan la badbaadin ee xeryaha, Human Rights Watch ayaa sidaas ogaatay. Dhibaneyaal badan oo loo geystay carqalad dhanka galmada ah uma soo sheegaan wixii qabsaday hayadaha dowliga ah sababtoo ah waxay ka baqaan in aargoosi dadka soo weerara ay kula kacaan, waxay sidoo kale ka digtoon yihiin in bulshadu ku ceebeyso wixii ku dhacay, waxayna kalsooni aad u yar ku qabaan nidaamka caddaalada Aabaha haweeney da’ yar oo la sheegay in afar askari ay kufsadeen ayaa wuxuu Human Rights Watch u sheegay sidaan, “Anagu ma anaan isku dayin inaan aadno caddaalada, sababtoo ah waxaa na dhibayay taliyaha markii gabadhayda la kufsaday Marka sidee ayaan halkaan qof u aamini karaa? Waxaanu ku qasbanahay inaan aamusno”.
Qoraalkan dhinacyada badan taabanaya waxaa lagusoo hadal qaaday kuwa loo yaqaan waardiyaasha Ganjeelada ee raashinka Barakacayaasha booba islamarkaana dhibaata geystay waxayna katirsanyihiin dowladda Federaalka ugu yaraana waa taageerayaasheeda hubaysan ee iyada hoos yimaad.
Waardiyeyaasha Ganjeelka iyo dabley maamula xerooyinka ayaa waxay sidoo kale meelo kale u weeciyeen oo xadeen raashin gargaar ahaa oo loogu tala galay dadka xerooyinka daggan ee abaartu ku dhacday, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay. Haweeney 30 jir ah oo xero joog ah ayaa ka warantay xaalada qallafsan ee qoyskeedu uu ku nool yahay: “Wax ka xun ma jiro xaalada aanu ku jirno. Iminka waxa aanu doonayno waa inaan helno gaari aan raacno iyo inaanu ku laabano tuulooyinkeenii, sababtoo ah hadii aan halkaan cuno la’aan ugu dhiman karo, waa inaan ku dhinto tuuladeydii, sababtoo ah dhimasho waa dhimasho”.
“Dowlada waxaa soo food saartay caqabado wax niyad jabinaya, inkastoo ay u muuqato mid ku dhiirran wax ka qabashada xaalada ba’an ee barakacayaasha ku sugan Muqdisho,” Lefkow ayaa sidaa sheegtay. “Laakiin hadii xaquuqaha, baahida jirta, iyo rajooyinka barakacayaasha laftooda aan wax laga qaban, waxaa loo badinayaa inay soo wajahaan dhibaatooyin iyo xadgudubyo xataa intii hore ka badan.
Warbixintan kasoo baxday HRW ayaa meesha ka saaraysa sheegashada ay dowladad Federaalka sheegato in ay wax ka qabato arrimaha ammaanka iyo Barakacayaasha waxaana muuqata in ciidanka dowladda iyo kuwa shisheeye ay shacabka Kadeed ku hayaan waxaana intaasi sii dheer in sicir barar lagu riday shacabka maatida ah.
Halkan Ka Akhri Warbixinta oo English ku Qoran.
http://www.hrw.org/news/2013/03/26/somalia-protect-displaced-people-risk
Banaadir Post.