Shabakadaha internetka ayaa waxa lagu faafiyay muuqaal baadari kirishtan ah oo u dhashay dalka Ruushka isla markaana qiraya in Muslimiintu ay mustaqbalka iyagu guuleysanayaan dhulkana dhaxlayaan, waxaanu baadarigani ku sababeeyay in muslimiintu ay shacaairta diintooda si fiican u muujisanayaan, isagoo tusaale usoo qaatay salaadda ciidda marka la tukanayo wuxuu yiri” marka ay salaadda ciidda tagayaan dadku waxay la yaabaan tiradooda iyo sida ay ugu sujuudsanyihiin rabigooda.
Baadarigan ayaa intaasi sii raaciyay in muuqaalka noocaas ah ay iyagu ka kirishtan ahaan aanay haysan, wuxuu yiri Kaniisadda kuma aragno wax aan ahayn dad gaboobay oo duqyaal ah.
Baadarigan ruushka u dhashay ayaa arintan ka dhawaajiyay mar ay u warantay haweenay Ruusiyaan ah oo da’wayn oo u sheegtay nin muslim ah oo darawal ka ah baabuurta kirada ee dadwaynaha daabula, waxaanay sheegtay in darawalkan muslimka ahi marka uu iyada qaado aanu wax lacag ah ka qaadan, isla markaana uu ku yiraahdo adigo waxaad la mid tahay hooyaday, wiilkuna hooyadii lacag kama qaato, gaar ahaan marka ay salaadda tagayso. halka darawalka kale ee masiiixiga marka aan raaco uu iga qaato lacag, isagoo dhahaya anaa shaqaystay ee lacagta isii.
Waxa xusid mudan in dalka Ruushka ay ku noolyihiin 20 malyan oo muslimiin ah laakiin badankoodu waa ducafo aan wax awood ah lahayn oo gumaysiga kirishtanka ku hoos jira umana gurmadaan walaalahooda lagu xasuuqayo Shiishaan.
Banaadir Post.