MAQAAL:- Waji Gabixii Kismaayo! Qore:-Saciid Islaam.

25164869

Waxa ay mahad u sugnatay alle  subxana watcaala oo mar hore  nooga digay  xumanta iyo  dulmiga iyo diin ka baxa ama u adeegista Galada. Intaas kadib waxaan jecleestay in an wax ka qoro ama aan is dul taago is badalada ka soo iftiimay somalia qaastan koofurta somaliya oo ah meel xaqa iyo baadilka isku herdinayaan oo ah kooxada  u adeego cadowga iyo wallalaha mujahidiinta oo ah kuwa u taagan  in mar laga oogo somalia ku dhaqanka sharecada islamka

Magalada kismayo oo soo martay  20 kii sano ugu danbeesay  maamula kala duwan oo kala magacaya badan  kusoo ka wada mideesnaa baneesashada dhiiga muslimiinta an waxba galabsan iyo dhibaatenta umada  musliminta.

Kismayo aya soo martay  mamula ay madax ka ahayeen dagaal ogayaal  ku caan ahaa  daadinta dhiiga somalida iyo isku dirka qabiilada soomalida kuwasoo magaca  ururo kala watay  walow markii danbe ay soo ifbaxeen golahii maxakiimta islaamka oo aakhirkii garay magalada kismaayo aygoo mesha ka saray waxii isku heystay iyo qabiiladii is dilayay tasoo sababtay in dadka degaanka is jecladan iyo walaltinimo dhax marto.

Markii ay mudo maxaakiimta islamka ku dhaqesay sharecada islamka gobalkaas ayaa wax durba duurka u cararay waxii  caanka ku ahaa daadinta dhiiga umada muslimka ah ee soomaliyeed. kuwaasoo aaqirki sababay in ay cadow soo hor kacaan tasoo sababtay in kismayo  gacantii maxaakiimta   ka baxdo.

Markii ay maxakiimtii ka baxday  magalada kismayo waxa ay durba gacanta u gashay kooxdii cadowga u soo jiheesay walow ay isla ayagii u kala baxeen  qabiilo ayana isku dilaan  tasoo sababtay  in markii danbe  ay gacanta  mujahidiinta ku soo nqoto

Kismayo ayaa intii  ay shababul mujaahidiin hayen waxa ay noqotay magaalo  lagu nasto loona  nabad tago dadkuna ay ku damashaadan  iyo is jeceel  dhax maro   tasoo sababtay in cadowga uu raali ka noqon waayo Aakhirkina sababtay  In ciidamadii  kenya ay gudaha u soo galaan magaladaasi mudo  badan kadib

 Gacan Galistii Kismaayo

Gacan galistii kismayo ee gashay cadowga gacantiisa waxa ay aaqirkii sababtay in kuwii cadowga la wada socday ay dhaxdooda is qab qabsi iyo aano qabiil iyo sad buursi isku diidan tasoo sababtay in si toos ah Kenya ula safto koox  lagu sheekay in ay u soo dhabar adkaatay  keenista ciidamada galada kenya

Markii uu soo shaac baxay in kenya si toos ah ula saftay kooxda Axmed madobe waxa durba soo baxay in ay sameyaan qorshe ah maamul usameyn gobalada Jubboyinka taaso  aqrikii kentay in malin cad  magalada kismayo dagaal ku dhax maro kooxda axmed madobe iyo kooxdi sheeganeesay in ay tahay ciidan dowladeed

Is qabqabsi badan kadib waxaa magaladaasi gaaray  ninka madaxda ka ah dowladda  uu madaxweynaha ka yahay
Xasan sheikh   kasoo lagu waday in u ka soo dhaadhiciyo kooxda axmed madoobe  in ay yelaan go’aamada ka soo baxo magalada muqdisho

Markii u Saacid tagay magalada kismayo o ay kaga sii horeyaan wasiiro badan iyo xildhibaano tira badan walow lagu guleesan wayay waxii loo tagay magalada tasoo aaqirkii kentay in la is mari waayo wayoo  axmed madoobe oo isku argo in u yahay ninka kaliyaha e kenya sida tooska ula safantahay  aya yiri  saan doono hadan la ii yeeleen wax socona ma jiran  Anaa Amiir

Saacid , oo dhafoorka hesto oo la yaaban sida u axmed madoobe ugu adag yahay in uu sameesto maamul iyo wax loogu magac daray  Jubbaland  tasoo kentay asna in u diido uuna u arko in koox qaas ah ama qabiil wataan

Sacid oo intii u jogay kismaayo ku dhaci wayay in u toos u sheego go’aankiisa  ayaa markii u tagay magalada muqdisho af labadiisa daan furtay yari ” Angu ma aqoonsanin maamulka ka soo baxo  shirka magalada kismayo  ”

Hadalkaas ka soo yeeray sacid markii u gaaray magalada Kismayo waxa  jawaab adag ka bixiyay  kooxda kenya saxiibka leh ee uu hogaamiyo  Axmed madoobe oo si toos ah u yiri shirku waa soconayaa saacadna la hakin maayo waxaana laga soo saraa  dowladd gobaleed ay isku raacsan yahiin dadka  degan jubbooyinka .

Hadaba hadii Xaal Yahay  Saas  Maxaa Kismaayo laga Filan Karaa?

Waji gabaxii saacid kadib ee uu muqdisho uu ku noqday waxa uu durba bilaabay in ciidamada amisom u ka dhaadhciyo in la geyo kismayo  ciidan ka duwan  kuwa kenya  hadii kenya ay la saftay kooxda axmed madobe tasoo keeni karto aaqrika in ciidamada la geynaa kismaayo ayagana la saftaan kooxda wadato magaca , dowladda  oo ay kooxda axmed madoobe u argaan qabiil la safan sacid oo ay isku heyb yahiin tasoo mar walab keeni karto isku dhac dagaal  oo waqti walba la filan karo

W/Q
Saciid Islam.

25142360

Banaadir Post.