Gaaladii ooy ku jiraan gaalomadowda ayaa khaati ka taagan kala-celinta iyo heshiisiinta maryocalasta. Saan horay u sheegnnay wataas Kismaayo lagu soo kala tagay markay qolo kasta jeebka kala soo baxday qorshayaal horay loo ogaa. Waxaan sheegnnay inaan waxba ka soo naaso caddeyn. Sidoo kale maalmahan waxaa magaalada Marka lagu kala celin la’yahay maryocalas mooryaan ah oo is leynaya. Maanta oo u dambeysa waxay iska laayeen dad gaaraya nus-darsin!
Horay baa Xamar loo jabsaday bakhaarkii hubka ee Madaxtooyada! Waxaa sidoo kale lala baxay maxaabiis ku jirtay xabsiyada!
Gaaladii waxay arkaan inaysan qolyahan dowladda sheeganaya ahayn kuwa horay u socon kara! Sidee Somaliland loola xaalaa haddiiba laga dhammaan la’yahay Xamar dhexdiisa iyo Marka?.
Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegay in wixii shalay ka dambeeyay ay Kismaayo isbedeshay maadaama laba awoodood oo iska daba dhaw ay magaalada kala joogaan kuwaasi oo colaad soo jiitamaysay tobankii sano ee lasoo dhaafay ay u dhaxayso.
Dagaal bishii lasoo dhaafay kismaayo ku dhaxmaray maleeshiyo beeleedyo hubeysan ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay labada dhinac iyo shacab rayid ah.
VIDEO CAJIIB AH!!:- LOO XADAY RAASHINKII GARGAARKA LOONA IIB GEEYEY BAKAARAHA.
DADKII GAAJOONAA GARGAARKII LOO KEENEY SIDII LOO XADAYEY.
Banaadir Post.