Wasiirk arimaha gudaha C/kariin Guuleed oo kas xanaaqay waxa Kismaayo ka qabsaday ayaa sheegay kuna wargeliyay in Magaalada Kismaayo bilaha soo socda la keenayo ciidamo laga keenayo Dalalka Sieraleone iyo Jabuuti.
Ciidamadan ayuu Wasiirko sheegay inay bedelayaan ciidamada Kenya oo looga shaki-qabo in Saraakisha hogaaminaysa qaarkood ay u dhasheen Beesha Kablalax,waxaana hadalkan ka carooday Professor Gaandi oo Wasiirka u sheegay inuu yahay nin xanuunsan una baahan in laga daweeyo cuqdada uu ka qabo Beesha Kablalax,isagoo u sheegay in Wasiiradda Gaashanadhiga ee Kenya iyo Itoobiya ay labadaba yihiin Absame,xilkaasna ay ku helen Aqoonta ilaahay siiyay iyo tiro-badnida,wuxuuna ugu goodiyay hadii Sieraleone iyo Jabuuti la keenayo Kismaayo,in kuwa Cidamada Kenya ay joogi-doonaan Kismaayo
“Hadii Kenya aad uga shakisay inay Kablalax taageerayaan,adigana kaama yeelayno ciidamo Hutu ah oo Sieraleone aad ka keentay inaad Kismaayo keentid”ayuu si toos ah ugu sheegay Professor Gaandi oo ka carooday hadalo qaawan oo Cabdi kariin Guuleed ku hadlay.
Waxaa dhibaato taas la eg ka taagan tahay Magaalada Marko ee gobolka Shabeelada hoose oo Maleeshiyaad kala beel ah isku haystaan.
Axmed Madoobe iyo Gaandi ayaa ka biyo diiday labada nin oo Gurguurte u diray oo qabiil ahaan ay u qoonsadeen waa Saacid Shirdoon iyo Cabdikariin Guuleed oo beel ahaan ah kuwii bari la isku dhihi jiray Dooxada Jubba, oo kismaayo beri ka arami jiray oo Shabaabku awood uga saareen dhamaantood dhowr sano nabad iyada oo aan qof dagaal ugu dhiman Jubada hoose oo dhan, laakin hada maalmo kooban lagu dilay sodomeeyo qof dagaal beeleed ka dhacay Kismaayo welina xal loo helin.
Fashilka wadahadalkii Kismaayo ayaa la rumeysanyahay in ay gadaal ka taagantahay dowladda Kenya oo aan ogoleyn wax dowlad u eg ka dhisanto kismaayo taasi bedelkeedna waxay doonaysaa in ay ku shaqeysato Axmed Madoobe oo ah dabadhilif dal aqoon u ahaa duulaankii ay ciidanka Kenya Kismaayo ku qabsadeen.
Bal aynu dhowrno sida 850 Siera Leone ah wax uga badali karto khilaafka u dhaxeeya Muqdisho iyo Kismaayo.
“Fari kama qodna Faanoole”
Banaadir Post.