Wiil is waalaba waabiyaa hela!

25138830
Saacid Shirdoon iyo Wasiirkiisa Ariamaha Gudaha oo Kismaayo la soo bursaday ceyrshay iyo Kenya oo Axmed Madoobe”Raaskabooni” ku amaantay.

Ilo wareedyo aan ka helnay Kismaayo ayaa sheegaya in wadahadalada ay isku mari la’yihiin labada dhinac,Axmed Madoobe ayaa diiday amarka xukuumadda Federaalka oo ahaa in Jubbooyinka loo dhiso maamul caadi ah oo lamid ah maamulada kajira Muqdisho iyo deegaanno katirsan shabeelaha Hoose.

Waxaana jira diidmo qayaxan oo labada dhinac isku jeedinayaan,odayaal beeleedyo kulamada la socday ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Shirdoon markii ay isku fahmi waayeen siyaasadda guud ee DF-ka ka leedahay Jubbooyinka ay qaab beeleed isku weerareen,Shirdoon ayaa ku Eedeeyay Madoobe in uu qabiilkiisa u diidanyahay maamulidda Kismaayo iyagoo xisaabaadkii Kismaayo ka jiray xilligii dagaal oogayaal dib u milicsaday.

Saraakiil katirsan ciidanka Kenya ee Kismaayo ku sugan ayaa Saacid usoo jeediyay in uu ka tanaasulo maamul usameynta Jubbooyinka balse Saacid ayaa ku adkeystay qodobo uu Xasan Sheekh Muqdisho ugasoo dhiibay.

Odayaal labada dhinac kala taabacsan ayaa iyana shirar iskasoo kala horjeeda ku qabanaya Kismaayo,siyaasiyiin qurba joog ah oo ku sugan Kismaayo ayaa iyana labada dhinac talooyin kala siinaya arrinkaasi oo sii kululeeyay wadahadalka.

Wasiirka arrimaha gudaha DF-ka Cabdi Xakiim Guuled oo caawa saxaafadda kula hadlay Hotel Tawakal Kismaayo ayaa mugdi geliyay najaxidda kulanka wuxuuna muujiyay walaac.
“Fari kama Qodna Faanoole”

2512586825077742