WARBIXIN:- Ururka Ictisaam oo La Sheegay in uu Sameysanayo Ciidan Gaar ah oo Kaabaya Maamulka Puntland!

25138639

Qaar katirsan warbaahinta taageerta Ururka Al Ictisaam ayaa baahisay warar sheegaya in xarakada Al Ictisaam ay sameysanayso ciidan gaar ah oo ilaaliya ammaanka culimada.

Website-ka Halgan ayaa maanta baahiyay war ay ku sheegeen in uu iyaga si gaar ah uga heleen mas’uuliyiinta jamaacada Ictisaam oo bilo ka hor dagaal ku iclaamiyay xarakada Al shabaab ee Soomaaliya ka jihaadda.

“Jamaacada Al-Ictisaam oo samaysanaysa ciidamo ilaaliya ammaanka culimada” ayaa ciwaan looga dhigay warkan lasoo dhigay shabakadda,dhaqaalaha lagu sameynayo ciidanka gaarka ah ee Al Ictisaam waxaa badankood bixinaya qurba joog Ururka taageersan oo ku sugan dalka dibaddiisa.

halgan1-600x347

“Dhaqaalaha ku baxaya ciidamada ayaa wuxuu ka imaan doonaa intiisa badan qurba joogta soomaalida  arintaas oo durbaba bilaabatay oo qaybtii ugu horeysay lacagtaas oo ku dhow $100,000 ay hada gacanta kusoo dhacday, waxaana howshaas uruurinta lacagta ah qaadan doona culimada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaana jira in masjid walba oo ku yaalla Maraykanka iyo Yurub oo ay Jamaacadu gacanta ku hayso lagu qoray in uu lacag qiimo go’an ah keenaan waqti go’anna ku keenaan”.

Sidoo kale ilo wareedyada laga helay mas’uuliyiin ictisaam waxay sheegayaan in ciidamada  badankood ay ka imaan doonaan jamaacadaha iyo macaahidda ay jamaacadu gacanta ku heyso iyagoo la dagaalami doono xarakada shabaabul Mujaahidiin.

“Tababarka ciidamada ayaa waxaa intiisa badan gacan ka geysan doona rag jamaacada ka tirsan oo khibrad dhanka ciidamada ah leh, waxaa kale oo gacan ka geysanaya ciidamada ammaanka maamullada qaar ee ka jira dalka soomaaliya, waxaana la rajaynayaa in tababarkaas uu ka furmo gudaha maamulka Puntland sidaasna ay Jamaacada iyo maamulku isku afgarteen”.

Intaasi kadib ayay xarakada Ictisaam sii wedi doontaa la dagaalanka waxa ay ugu yeereen fikirka qaloocan ee gaalasiinaya maamulada iyo gobolada ee kajira dalka Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah xamlada ladagaalanka argagagaxisada waxa loogu yeero.

Warkan kasoo yeeray Ururka Al ictisaam ayaa u muuqda mid ay ku xoojinayaan maamulada ashahaadda ladirirka ah ee kajira Somaliland iyo Puntland,shacabka Soomaaliyeed u caddeynaya wixii xarakada lagu eedayn jiray oo ahaa in ay walaheeda siisay dawaaqiidda islamarkaana ay xoogaga islaamiga ah ee gumeystaha kula hadlgamaya Soomaaliya ku tilmaanta Khawaarij dhiigyo cab ah.

Fataawaad dhowr ah oo ay ictisaamku soo saareen ayay ku banneeyeen dhiigga dadka muslimiinta gaar ahaan xarakada Shabaabul Mujaahidiinta ee shareecada Islaamka ku maamusha dhul baxaad leh oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

halgannet-600x362

Dood: Colkii Iyo Ciidankii Ay Al-Ictisaamku Ku Dhawaaqeen Khilaaf Ka Dhashay Oo Shabakaddii Ictisaamka Xirtay ( قَالَ هَلْ عَسَيْتُمْ إِن كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ أَلاَّ تُقَاتِلُواْ) (Warbixin)

http://somalimidnimo.com/salafi/2013/03/dood-colkii-iyo-ciidankii-ay-al-ictisaamku-ku-dhawaaqeen-khilaaf-ka-dhashay-oo-shabakaddii-ictisaamka-xirtay-%D9%82%D9%8E%D8%A7%D9%84%D9%8E-%D9%87%D9%8E%D9%84%D9%92-%D8%B9%D9%8E%D8%B3%D9%8E%D9%8A/

24790495 (1)