Warar laga helay ilo wareedyo xogogaal ah iyo caddeyn qoraal ah ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Xasan Sheikh uu warqad u qoray dowladda Qatar isagoo ka talo geliyey inay tilmaanto mas’uulka loo dhiibi karo Hoggaanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.
Waxa ummadda Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka Qarankaba lagu wargelinayaa in ay arkaan arrintan fadeexadda ah isla markaasna uu baarlamaanku wax ka qabto. Ma dhacdo adduunka in ay dowladi ay arrimaheeda amniga iyo nabadsugidda la wadaagto dowlad kale, balse waa mucjiso la soo deristay Soomaaliya.
Warqadda Madaxweyne Xasan Sheikh uu u qoray dowladda Qatar waxa ka soo jawaabay Madaxa Hay’adda Nabadsugidda Qatar sida ku cad warqadda lifaaqa hoos kaaga muuqda.
Warqadda oo ku qornayd afka Carabiga isla markaana ay tarjumaaddeeda oo af-Soomaali ay tahay sidan:
“Sumad: QVF/27/13 Taariikh: Dooxa, 27/03/2013
Mudane Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay
Salaan qiimo badan kaddib;
Waanu helnay warqaddaada sharafta leh iyo wixi ay xambaarsanayd ee aragtiyo iyo wadatashiyo ah, dhinaceennana waxaan mar kasta diyaar u nahay kaalmadiinna.
Waxaan samaynay wadatashi buuxa ee ku saabsan cidda loo dhiibi karo Madaxa Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed, waxaana ku talinaynaa in loo magacaabo Mudane Sarreeye Gaas Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed.
Mudane Cabdiraxmaan waa shakhsi khibrad dheer leh, wuxuuna gacan ka geysan karaa hagaajinta iskaashiga ka dhexeeya labadeenna Hay’adood ee nabadsugidda.
Annagoo Allaha Weyn ka baryeyna inuu ina waafajiyo towfiiqda, iyo dadaalkeenna horumarineed, iyo inay waarto saaxiibtinimadeennu;
Naga guddoon qiimayn iyo kalgacal;
Sarreeye Gaas: Hay’adda Nabadsugidda Dowladda
Axmed Bin Naasir Bin Jaasim Al Tani (SAXIIX)
Dowladda Qatar”
War Soomaaliyey, arrintani miyaanay ahayn khiyaano qaran ?, miyaanay dembi ahayn ? Waa nasiib darro la soo deristay dadkeenna iyo dalkeenna !!!! La arki doonee in laga damqado iyo in kale. Wixi dhiig lahaw kaca !!!
Gaar ahaan baarlamaanka Soomaaliyeed waxa looga fadhiyaa tallaabtii uu fadeexaddatan ka qaadi lahaa.
Qoraalka oo aynu helnay ayaa ku qoran Afka Carabiga halkaan hoose ka fiiri
Bal aqristooy adiga fakarkaaga maxaa kula gudboon ileyn shacabka arrimahaan oo kale waxba kama qaban karaan laakin waxaa nagu kalifay inaan soo bandhigno sirtaan ayaa ah waxyaabaha khaldan ee ka dhacaya wadankeena taasoo ay ugu wacan yihiin in aysan jirin madax isku kalsoon oo hanan kara talada dalka.
Daawo Warersiga Proffessor Togane oo Sir-qarsooneyd daaha ka rogay: