Waxaa saakay lagu kala cararay garoonka diyaaradaha Moqdisho ka dib markii eeyaha ka howl gala garoonka sheegeen in wax qarxa la keenay garoonka!
Waxaana baaqday duulimaadyo kala duwan oo imaan lahaa Moqdisho,waxaana ka noqday Saacid Shirdoon oo Kismaayo ka soo noqon lahaa oo la baajiyay,ka dib markii lagu soo gacan sayray.
Waxaa gacan lagu hayn amniga Moqdisho oo inta badan laga been sheego,waxaana maalmahan soo kordhaya in culaysku sii badanayo,waana iska caadi in Moqdisho ahaato meel saas ah.
Waxaa maalmo ka hor shaqadii ka tagay kuwii masuul ka ahaa kooxaha Sirdoonka kana fakaday Moqdisho ka dib markii kuwa ka sareeya qaraxyo lagu weeraray,waxaa kale oo farta lagu fiiqayaa isbedelka maamulka Gurguurte ku sameeyay Taliyaasha ciidamada,kuwaas oo horey u haystay Maleeshiyaad beel ahaan u hoos joogay raalina ka ahayn inay shaqada ka tagaan.
Banaadir Post.