KISMAAYO:-Cabdinaasir Seeraar oo Shir Jaraa’id Qabtay, Saacid Shirdoon oo ku adkaystay Dekadda iyo Garoonka in lagu Wareejiyo iyo Axmed Madoobe oo Diiday.

25125917

Madaxa xiriirka Bulshada ee Magaalada Kismaayo Ninka sheegta C/naasir Maax Seeraar ayaa  Shir Jaraa’id u qabtay Saxaafadda, wuxuuna sheegay khilaafka Raaskaanbooniyiinta iyo Saacid Shirdoon Waftiga uu hogaaminayo u dhaxeeya in uusan ahayn sida Saxaafaddu u dhigtay, balse wuxuu sheegay wali shirku in uu soconayo.

Hotelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo ayaa la ciiraya buuq iyo qaylo, Saacid Shirdoon oo Waraaq ka siday Xassan Gurguurte ayaa soo bandhigay Labo Qodob oo uu kala yimid Magaalada Muqdisho:-

1- Dekadda Magaalada Kismaayo.

2- Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, In lagu wareejiyo Maamulka Villa Somalia ee Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon, hogaamiyaan Labadaas Qodob ayaa waxaa diiday Axmed Madoobe oo Ciidamada Kenya gadaal ka riixayaan, Axmed Madoobe markii hore wuxuu ku dooday in Soomaaliya laga dhigay Faderaal oo Gobal kasta xor u yahay dhaqaalihiisa, wuxuu yiri, Dekadda iyo Garoonka Muqdisho 4.5 aan u qaybsano, ama Dekadda Boosaaso iyo Garoomada Wadanka oo dhan Xassan Gurguurte hala soo wareego.

Kooxda Axmed Madoobe ayaa ku doodaya in Xassan Gurguurte uu yiri, Magaalada Beledweyne xaq ayey u leedahay in ay Maamul samaysato isla markaana Garoonka Beledweyne waxaa jooga Ciidan Beeleed, Axmed Madoobe iyo Seeraar waxya dheheen Kismaayo Kaadideena ayaan u soo cabnay, laakiin waxaa loogu jawaabay Idinku waad soo cabteen kaadidiina laakiin Annagu haddaan wali u cabaynaa!, Hotelka Tawakal waxaa ka socda Qosal, Kaftan Xifaalo iyo Wasiiro qaab Qabiil Farta loogu fiiqay oo dilal ka badbaaday Kooxda Axmed Madoobe ku dili lahaayeen.

Siyaasiyiin Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in Shirka Kismaayo ay wax kasoo bixi karaan haddii Axmed Madoobe isku dhiibo Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon, Sidoo kale  Axmed Madoobe ayaa laga balan qaaday Maamulka Jubbooyinka in uu Madaxweyne ka noqdo balse waxaa lagu xiray taageerada la siindoono in uu soo wareejiyo Garoonka iyo Dekadda Kismaayo.

25125868

Waftiga Saacid Shirdoon ayaa ku guulaystay in uu Lacag laaluush ah uu ku kala iibsado Qabiilada daga Jubbooyinka oo badankoodu taageeray in Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha lagu wareejiyo Saacid iyo Xassan Gurguurte oo sheegay in ay keenayaan ciidan Uganda, Itoobiya iyo Burundi ka socda.

Dowladda Itoobiya oo ciidankeeda Soomaaliya kala baxaysa ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka  Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu heshiis lagalay Itoobiya in ay Maamusho, Dekadda Kismaayo, isla markaana Itoobiya laga doonayo in ay ciidan xoog leh keento Gobolada Jubbooyinka iyo Gobalada Galgaduud.

Kismaayo ayaa u muuqata Magaalo dhiig badan ku daadan doono oo Axmed Madoobe iyo Ciidanka Kenya haysan doonaan ama banaanka looga saari doono sida lagu yaqaano Taariikhda Magaalada Kismaayo ee Ninkii xoog leh uu Sanado ka taliyo dibna looga qabsado.

Dhagayso Shirka Jaraa’id ee C/naasir Maax Seeraar Mp3 Halkaan Riix Ama Guji

25125728

Banaadir Post.