Taliyaha Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa ayaa maalmaha soo socda laga war-dhowrayaa in uu iscasilo maadaama sida warar hoose in Damul Jadiid rabaan inay seefta saraan,sida kuwii ka horeeyay, haddii Maalmaha soo socda uu iskiis isku casili waayo,Sheekhunaa Maye ayaa ku lug yeeshay xasuuqii Xamar loogu gaystey dhalinyaro Xabsiyo lagu ogaa oo lagu arkay xaafadaha iyada oo eeyo cunayaan maydkooda.
Waxaa soo badanaya cabsida ay qabaan xaga amaankooda,maadama ay bartilmaam yihiin,waxaana hortiis fakaday Khaliif iyo Ina Macalin Faqi oo madax ka ahaan jiray PISTA ama jagada magaalada Moqdisho looga yaqaan “ASHAHAADOLA DIRARKA” Moqdisho.
Taliye Shariif Sheekhunaa ayaa haatan ka haray Taliyayaasha Ciidamada Soomaaliya Maadaama Taliyayaashii Ciidamada Milateriga iyo Nabadsugidda ay meesha ka baxeen iyaga iyo kuxigeennadoodii ama Abaanduulayaashoodii, Waxana Maalmaha soo socda la filayaa in Taliye cusub ay yeeshaan Booliska Soomaaliya.
Weli makala cadda in Shariif Sheekhunaa uu ku dhawaaqi doono iscasilaaddiisa kahor inta aanan Xilka laga tirinin, waxase Lataliyayaasha Shariif Sheekhunaa ay aad isugu mashquulinayaan in ay ka dhaadhiciyaan Mr Sheekhunaa in uu si Sharaf leh isaga tiriyo xilka Maadaama ay haatan Isaga Seeftu dul-taallo.
Sheekhuna Maye ayaa la filayaa inow Maraykan ku noqdo marka oo xilka ka dego oo markii horeba ka yimid,waana iska caadi in nin walba iskaga noqdo meeshii oo ka yimid markii dalkii u gacan galiyeren Gumaysi iyo gaalo madow aan ka naxayn diin,dad iyo dalba.
Banaadir Post.