Xawaaladda Dahabshiil – Suhura Travel Agency: Taariikh waxay u qaybsantaa qaybo badan lakiin marka la isku wada keeno waxay isku noqonayaan Taariikh (History) dib u barida nolo lihii iyo dadkii la soo dhaafay. waxaan qabaa wax alaale iyo waxaad dhaaftaaba inay taariikh yihiin
Shacabka somaalida Ogadenia waxay soo mareen marxalado badan oo kala duwan iyo dhacdooyin badan oo taariikhi ah., sidaas darteedna ay tahay in shaqsi kasta uu barto, ilaaliyo islamarkaasna uu sii gudbiyo oo sidii asagaba loo soo gaarsiiyay uu markiisa u gaarsiiyo jiilalka danbe, oo ay lagama maarmaan tahay in ay helaan taariikhdooda oo dhab ah. Dunidu waa silsilad taxan oo taariikh xambaarsan.
Shacabka somaalida Ogadenia waxay ku jiraan gumeysi madow , isla markaana dhaxal siiyay Barakicin, dil aan loo aabo yeelin,rag iyo dumar,ciyaal iyo caamo,gumaysiga ,TPLF,wuxuu gaarsiiyay heer S/Ogadenia ka qaxaan dhulkoodii hooyo, kuna qaxaan dalalka dariska ah. Hadaba su,aasha isweydiinta mudan waxay tahay inaynu dul-istaagno,noocyadda kala duwan ee gumeysiga, TPLF- ku taageeray gumaadka shacabka somaalida Ogadenia , ee markaasi heshiiska kula galay.
Maamulka –TPLF- markuu ogaadday mowqifka S/ogadenia -1994-1995- wuxuu guda gallay dhisida xisbiyo taabacsan siyaasadda xisbiga . Waxaa la martiqaaday shacabka somaaliyeed ee ku nool deegaanka iyo gobolada kala duwan Ogadenia. Waxaana lugu war-galiyay in qabiil kasta la yimaado magaca –Xisbi- . Ahmiyada iyo qorshaha – TPLF- wuxuu ahaa in awoodda ururka –ONLF- meesha laga saarro , isla markaana la, abuuro nidaaam qaybi oo xukun ah – Divided and Rule Policy-
Maamulka –TPLF- waxay maal iyo awood ku bixiyeen inay soo saaraan xisbigii – DAL – Democratic Alliance League . waxaana masuul ka ahaa , shaqsi ka soo jeedda gobolka waqooyi ama –Hergaysa- xisbigaasi waxaa maal – galinayay Dr C/Majid husein oo markaasi ahaa wasiir dowlada dhexe ah.
Laga soo bilaabo xiligaasi – Xawaaladda Dahabshiil – waxay taageero maaliyadeed iyo mid siyaasadeed siineysay xisbiyadii soo maray dhulka somaalida Ogadenia, waxayna dhinac- kala wadday maamulka –TPLF- . Xawaaladda –dahabshiil waxay kaloo qayb ka qaadatay dagaaladdii laga soo abaabulay magaalada – Hergaysa – ee shacabka masaakinta ah lugu gumaaday magaalooyinka , kala ah. Yoocaale,Awaare ,Marsin,Danood- 2004-2006- 2008- 2010-. Maamulkii soo maray – Jigjiga- xiligii – Eid daahir- waxay Xawaaladda Dahabshiil gacanta ku dhigtay miisaaniyadii gobalka , waxayna kasbatay sumcad lugu aamino dalka Ethiopia oo iddil.
Xawaaladda –Dahabshiil- waxay xidhidh hoose yeesheen ganacsato – Tigree ah- waxayna isla meel dhigeen qorshe-yaal miisaaniyad culus ku baxeyso. Dhinaca kale xawaaladda dahabshill waxay noqotay xawaaladda kaliye- Ethiopian National Bank- Share – ku yeelatay , marka loo fiiriyo xawaaladaha kale somaalida.
Roodo Afjano gabay wadani ah”VIDEO”
Banaadir Post.