Amnigii Moqdisho oo wax laga qaban waayay iyo kuwii amniga sugi lahaa oo Tahriibaya- Aqriso magacyada cusub ee P.I.S.T Moqdisho.

25111677

Xog la helayo   ayaa tilmaamaysa in halis wayn ay soo food saartey xiligan hay’dda Nabad sugiddda   taasoo khal khal iyo dhaawac wayn ku keentay shaqadii ay i igmanayd ee Amniga iyo nabad sugidda bulshada,waxaana soo baxaya inay tahriibayaan intooda badan ka dib markii Khaliif Ereg dhaawac ku yahay nayroobi ka dibna Axmed Macalin Faqi fakaday,cabsi awgeed.

Sirtan laga helay Nabad sugidda qaranka oo ay si hoose u bixiyeen qaar ka mid ah saraakiisha sar sare ee NSS ta oo ka wal walsan qaabka halista ah ee ay ku socoto hay’adda iyo laameheeda shaqo ayaa waxay kashifeen xogo halis ah oo isgu jira Musuq maasuq, laaluush, aqoon la’aan xirfadeed iyo ceebe kale balaaran oo dhinaca Corruption oo hareeyey hogaanka sare ee hay’adaani iyo qaabka loo wajaho oo is bedelay markasta

“Sadex bilood kaliya  ayaa ku weynay 60 sarkaal oo tababaran oo dhamaantood madaxa laga toogtay” ayuu yiri mid PIs ah oo maqaayad ka sheegay.

Dhawaan ayaa waxaa lagu qasbay in ay is casilaan hogaankii hore ee hay’adda kaasoo lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay arimahan oo kale, waxaase yaab iyo af kala taag noqotay markii la magacaabay dhowr qof oo ah kuwii ugu halista badnaa.
Shaqsiyaadka laga dayrinayo waxaa ka mid ah.

1.C/kariin Axmed daahir:Agaasimaha cusub ee KMG ee hay’adda nabad sugidda ,Wuxuu ahaan jirey Kornayl Ciidanka Booliska ah, xiligii DKMG ee madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa uu qaatay darajadda Jeneraal, waxaana loosoo badalay dhinaca NSSta , isagoo Qeybta barista u joogey General Darwiish, ninkani oo ah nin aad u da’weyn wuxu ku caan baxay (iibsashada-gadashada) dambiilayal dhab ah, iyo dad aan wax dambiya gelin oo si qaladan ah suuqa looga soo qabtay labadaba.

Waxa kaloo uu caan ku ahaa dambi u samaynta dad aan wax dambiya lahayn. (Corruption-musumaasuq. bribe-laalus qaadasho.

Waxa jirtay dhowr dhacdo oo Markii Jeneraal Mohamed Shiekh uu hayey hogaanka Hay’adda, uu General Cabdikarim lagu eedeyey in uu lacag ka qaatay eedeysanayaal, waxaana ugu dambesay midii uu shaqadiisa ku wayey oo ahayd, maxaabiis laga warejiyey Xabsiga nabad sugida oo Cabdi karim saldhig u ahayd, oo loo wereejey xabsiga dhexe oo uu dhex ku iibsadey kadibna siidayey Jeneraalku.

2. Xuseen Macalin (Damuumaaye) Ku Xigeenka Hay’adda wuxuu Xuseen horey u joogey Qeybta arimaha dibadda . Ninkani Wuxuu taxi ku wedi jiray magaalada London, kadibna waxa ugu yeeray in uu dowlada meel ka galo walaalkiis Xasan Macalin, oo markaas Wasiirka madaxtooyada ka ahaa dowladii Sharif Shiikh Ahmed, waxana lagu magacaabay xariiriyaha Amisom, iyo madaxtooyada Madaama uu afka ingiriiska ku hadlayey.

Walalkiis Xasan Macalin ayaa ka dhaadhiciyey in Xuseen wax barasho loogu diro dalka UK, qarashkana madaxtooyadu bixisay, 6 bilood kadib ayuu soo noqday asaga oo dhahaya waxan soo dhameyey wax barasho u dhiganta Hal sano oo (intelligence) Kadibna Wuxuu noqday madaxa arimaha dibada ee Hay’adda nabad sugida. Kadib Markii uu iska casiley booskaas nin lagu magacaabi jirey Cabdisalam Guuleed.

Sidoo kale Baaritaano hor u dhaca oo kasoo baxaya dhaliyaradii meydkooda laga helay meelo kala duwan, kuwaas oo ku eedeysnaa danbiyo dhinaca amaanka ah ayaa tilmaamasysa in xuseen iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda ay ku lug yeesheen, arintaas oo la rumaysanyahay in ay qaab kala aargoosi beeleed ah ku timid.

3. Sheekh Labaatanka, taliyaha Hogaanka Arimaha Gudaha ee Hay’adda NSSta, waa wadaad ka tirsanaa midoowgii maxkamadaha mana laha wax aqoon oo la xiriira arimaha nabad sugidda. Lamana oga wax aqoon ah oo uu leeyahay.

4. C/raxmaan Tuuryare
, Taliyaha Arimaha Dibadda    Wuxuu ka baxay Jaamacadd ku taal Magaalada Muqdisho Taasoo Lagu Magacabo Muqdisho Universaty , ka dibna waxbarasho kale ayuu kusoo qaatay Dalka Masar Wuuxuna Dalkaasi kasoo Qaatay Darajada Masterka,Mr Tuuryare wuxuu xubin ka ahaa xisbigii PDP oo Xasan Gurguurte  hogaamin jirey .

Guud ahaan arimahaan waxay kusoo beegmayaan xilli uu walwal cusub soo food saarey amaanka Caasimadda,waxaana soo baxaya inay  kala fakanayaan  dhalinyaradii hayb ahaan soo shaqo galiyay.

Waxaa hadaba lays weydiinayaa sida xiligan Amaanka dalka loogu haleeyan karo hay’adda nabad, iyadoo hogaankeeda ugu sareeya loo dhiibay dadkan qaarna aan aqoonta u lahayn, qaarna ay ku lug yeesheen eedeymo xagga xuquuqda bini aadamka ah iyo dil , iyadoo qaarka kalena ay ku caan bexeen musuq maasuqa iyo laaluush qaadasho oo ay iibsadeen eedeysanayaal badanoo khatar ku ahaa bulshada.

Waxaa shaki ka qaba kuwan cusub hay’adaha shisheeye oo lacaga bixiya fadhigoodaba yahay Xalane iyo Jaziira, kuwaas ah kuwa kor ka wada haysta waxa ka socda Somaliya oo dhan gaar ahaan Villa Somalia.

Cabdikariim Xasan Guuleed waxa uu sheegay inay wax ka qabanayaan ammaanka faraha kasii baxaya, isagoona ka codaday Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda inay la shaqeeyaan Ciidamada Dowladda Fedraalka.

Halkan Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id

25092445

Banaadir Post.