Somali History of (1400-2000) qoraagu inta badan wuxuu kasoo xigtay qoraalka buugan kale oo la yiraahdo: Ref the Shaping of Somali Society: Reconstructing the History of Pastoral People 1600-1900..Lee V.Cassanelli University of Pennsylvania Press Philadelphia, 1982.
Sidaan ayeyna ku bilaabaneysaa.
1876dii taariikhdu markey aheyd ciidamo Biimaal ah ayaa waxey si gaadmo ah ku dileen Barasaabkii (Gudoomiye) “Saalim Bin Yacquub” ee Suldaanka Zanzibaar ugu masuul ahaa magaalada Marka iyo 40 askari uu watay Barasaabka iyo ciidankiisa waxaa lagu dilay jidka u dhaxeeya Xamar iyo magaalada Marka.
Magaalada Marka oo caan ku aheyd Baayacmushtarka, waxaa sidoo kale mararka qaar dhibaato ka dhax dhici jirtay Carabtii daganeyd magaalada Marka iyo Biimaal.
Biimaalku waxey si gaar ah ugu soo horjeedeen in uu Talyaaniga ku fido dhulkooda, laakin Carabtu waxey ahaayeen dad Baayacmushtar ah mar walbo waxey dantooda ku jirtay in ay shisheeyaha xiriir fiican la yeeshaan.
Biimaalkuna waxey heshiiskaas Carabta iyo “Ajnabiga” u arkayeen mid dantooda iyo noloshooda khatar ku ah.
Xeelada Biimaal isticmaali jireen waxaa kamid aha in Raashiinka ka joojiyaan xeebaha Banaadir gaar ahaan magaalada Marka.
1890(Bilowgii) Suldaankii cusbaa ee Zanzibaar Suldaan Khaliifa ayaa waxa uu dhulkii Banaadir ku wareejiyay Talyaaniga, isagoo aan Somaalida waxba kala tashan Soomaaliduna maarkii arintaan ogaadeen aad ayey ugu xumaadeen.
1890 markii Talyaaniga uu ka soo degay xeebaha Banaadir Markiiba hogaamiyaashii Biimaal waxey bilaabeen in ay shirar deg-deg ah ku kulmaan si ay ugu tabaabusheystaan waxa uu damac sanyahay talyaaniga.
Markii Talyaanigu ogaaday in uu Biimaal yahay Qabiilka kaliya mucaarad nimadiisu mideysantahay, markiiba Talyaaniga wuxuu isku dayay sidii uu u kala qeybin lahaa Biimaal, hasa ahaatee wey usuurto geli weyday, mudadii u dhaxeysay 1890 ilaa 1908, midnimadii Biimaal ismey bedelin, weyna ku adkaatay Talyaaniga sidii magaalada Marka uu gacanta uu ugu dhigi lahaa, balse markii lasoo gaaray aakhirkii 1908dii, qaar ka mid ah hogaamiyaashii Biimaal waxaa u cadaatay in ay adagtahay dagaalka Talyaaniga ay kula jiraan sii wadaan, waxeyna qaar ka mid ah isku raaceen in Talyaaniga heshiis la galaan lana shaqeeyaan.
Taariikhda Beesha Biimaal waxay ku qorantahay Baal Dahab ah,yaan la tirin!!.
Taariikhda wax bay qortaa waxna way kaydisaa, Beesha Biimaal oo ka mid ah Beelaha dega Koonfurta dalka Soomaaliya waxaa ay leedahay taariikh Baal Dahabi ah ka gashay marka laga hadlayo taariikhda Soomaaliya.
Qarnigii 18aad ee taariikhda Miilaadiga Beesha Biimaal waxaay ahayd Beel ka tilmaaman Beelaha kale ee dega Koonfurta Soomaaliya waxaa lagu xusuustaa halgankii dheeraa ee ay usoo gashay gumaysi la dirirkii Gobolka Shabeellada Hoose .
Markii uu socday dagaalkii u dhaxeeyey gumaysigii Ingiriiska iyo halyeygii caanka ahaa ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxaa la soo wariyey in dagaalkaasi ay ka qayb qaateen beelo Soomaaliyeed oo tira badan kuwaa oo taageerayey gumaystihii Ingiriiska laakiin Beeshan Biimaal weli lama soo tabin inay ka qayb qaadatay ama ay garab istaagtay gumaysi dhul doon ah .
Waxaa kaloo taariikhda rag culima ay ku sheegeen in beelo tira badan ay xabado ku tuureen Sayidka hase ahaatee beeshan taariikhda ayaa xustay inay ahayd beel mujaahidiin ah oo weligood diidanaa gumaysi inkastoo taariikhda wax badan lagu sheegay hadana waa beesha kaliya oo awoowayaashooda ay ku shahiideen dagaaladii lala galay Talyaaniga.
Mudo 14 sano ah gumeystaha Talyaaniga uma suurtoobin inay cagta soo dhigaan dhulka ay Beeshu degto oo sababna ay u aheyd isku duubnaantii beesha ay laheyd ii hogaamiyayaashoodii u heelnaa iska difaaca gumeystaha Talyaaniga kuwooda ugu caansanaa ay ka mid ahaayeen Maclin Ibraahim Qaasim”Kabtoole”,Jabriil Macliin Barrow iyo Rag kaloo odayaal ah oo beesha kamid ahaa.
Inta uu socday halgankaasi waxaa jiray hal ku dhigyo ay adeegsan jireen hugaamiyayaashii Beesha, halku dhigyadii ay adeegsan jiren waxay ahaayeen kuwo aan qoraal lagu soo koobi Karin waxaana ka mid ahaa: ‘Reer janaad waa jid galeen reer jaxiimow iska jooga’.
Markii gumaystahaTalyaaniga ay ku guulaysteen inay kasoo degaan Deegaanka loo yaqaano Dhanaane ayna Koonfur ka mareen dhulkii Beeraha ayaa hogaamiya yaashii Beesha waxaa ay isdhaaf sadeen erayo taariikhda galay waxaa eryada ka mid ahaa: ‘Dhoobee dheefle waa dhuntii yaa dhanaane dhicihaayo, dhalanyeradii dhamayd aa dhanaane dhicihayso, intaad dheeshiyoo dhug beeshay maad dhanaane dhicihee ,dhanaane miin dhiciwaayo dhuuwadayda dhalaaqo waaye, dhuuwadaada miid dhalaaqdo, dhinixoo yaa dhalaayo, dhinixoo aan dhullahayn intee lagu dhaqaa’.
Hadaba intaasi ka dib guushii gumaystihii talyaaniga Beesha Biimaal waxaa ay yeelatay dad lagu dhex beeray oo magac, jinsi iyo dhalasho intaba kula wadaaga hase ahaatee aan kugu tala ahayn waxaa jirta oraah dhahaysa:‘Nin aan kugu calool ahayn kugu cod maaha’,waxaan ka wadaa erayadaa isku xerkii beeshan ayaa waxaa ku tuntay dad sheeganaya magaca beesha oo talyaaniga qandaraas uu ku siiyey inaysan isku imaan maadaama isku imaatanka Beesha Biimaal ay caqabad ku noqon karto cid walba oo soo hamisa dhulkan barwaaqa sooranka ah.
Waxaa la xusuustaa hugaamiyayaashii usoo baxay Biimaal inay noqdeen kuwo aan dan u hayn umada ayka dhasheen taas oo walaahooda ku beertay calool xumo kuwaa oo ah dadkii ku abtirsanaayey beesha ilaa laga arkay in la yiraahdo: ‘hadaan nahay beel hebel kama mid ma nihin beesha Biimaal’waana cadaymaha muujinaaya in lagu soo dhex dhuuntay Beeshan ay taariikhda siweyn u qortay hadaba markii hogaamiya kooxeedyadii haysteen koonfurta Soomaaliya waxay ay garab ka dhigteen niman sheeganaya odayaal dhaqameed suurtageliyeyna in la kala dilo dadka beesha Biimaal.
Hadda ka hor qoraal aan aqriyey ayaan ku arkay qaabkii loo xalaalaystay dhulkii Biimaal iyo Hantidiisa waxaa ka mid ahaa qoraaladaasi ilaa 8, guri oo subax walba ay kasoo wada toosaan wiilal cayr ah oo Biimaal ay abtiyaal u yihiin halka qoraalka aan ku arkay in sanad walba odayaasha Biimaal ay kasoo xajiyaan hantidooda oo ay kala wareegeen dad aan gobolka u dhalan.
Hadaba aqristow ujeedada aan leeyahay ayaa ah inaan soo bandhigo dhacdadii ugu dambaysay oo Biimaal lagu xalaalaystay noloshiisa walow horay loo arkay in dhulkiisa iyo hantidiisa lagala wareegay hadana waxaa ay joogtaa noloshiisa hadaba maxaa dhacay, laba qof oo aan jeclayn inaan magacyadooda soo hadal qaado ayaa sida ay sheegteen u istaagay inay isku keeni doonaan Biimaal.
Arintaasi ayaa waxaa si aan leexleexad lahayn u qaadacay nabaddoonada Biimaal hase ahaatee waxaa ka hor timid awood ay u bawac dhigiwaayeen, raggii istaagay ayaa waxay sheegteen inay horkacaayeen culimadii Beesha laakiin war mar dambe soo baxay ayaa xaqiijiyey in culimada la qasbay in ka badan 13 maalmood ayey socdaalo ku jireen waxayna soomareen dhul kala duwan ugu dambayn waxay ku guulaysteen inay deegaanka NO 5O isugu keenaan Biimaal.
Waxaana halkaasi labadii qof ay ku heleen lacago caqliaga ka weyn oo loogu tala galay in lagu soo dumo oday dhaqameeka waxaana si qasab ah lagu yiri suldaan Axmed Maxamed Cali waxaad beyco la gashaa Al shabaab taasi ay ku kali noqdeen labadii qof istaagtay iyo suldaankii la qasbay.
Hadaba hadaan nahay dad ku abtirsada Beeshan taariikhda gashay ma noqon karnaa dad ka tashada aayhooda waxaana iminka aad la socotiin Yuusuf indha Cade inuu samaystay Suldaan gacan ku samays ah oo u dhashay beesha una muuqda mid hergelinkara in dhulkan si cad ah loogu gacan geliyo reer Dhuusa Mareeb.!!!!!!???
Talo iyada kugu ma noola laakiin adiga ayaa ku nool waxaan ka wadaa aan tashanno haddaan nahay Biimaal jaaniska hada aan haysanno ayaa ah mid qaali ah.
Waxaan kusoo koobayaa qoraalkayga in kastoo aan ahayn qof yaqaana taariikhda Beeshayda, aan noqonno kuwo soo nooleeya taariikhdii iyo wadadii ay ku geeriyoodeen awoowayaasheena wax naloo meeriyey iyo wax naloo tilmaamay ayaan danaheena ku weynay.
Inkastoo dulmiga loo gaystay Beeshaan ay horkacayeen dad caada qaatayaal ah ayaa hadana weli kama raja dhigin hankooda ku aadan inay dhamaystiraan hantida tirada yar ee soo hartay waana kuwa iminka fadhiya shirarkaTFGda ay soo qaban qaabisay looguna tala galay inay horkacaan duulaano dhawaan la iclaamiyey kaa oo lagu qaadi doono guud ahaan Gobolka Shabeelada Hoose.
Jammaamepress
Banaadir Post.