WARBIXIN:-Ama go,aanka Shabaabka ama Guddoonka Faroole,Gurguurtoow kala Dooro.

25098091

Sida aynu ognahay Dhalinyarada shabaabka waxaa lagu colaadiyaa ujeedkooda ah dalkaan anagaa iska leh,muslimka oo dhan waanoo walaal,diinteenna muslimka ayaana isku xukumeynaa,faragelin shisheeyana uma baahnin.

Waxaa intaas usii dheer ayagoo dowladaha deriska ah sida itoobiya iyo kenya ku eedeeya inay xoog ku heystaan qeybo kamid ah dalka soomaaliya.

Shabaabku waxay qaateen go’aan cad oo aan leex leexad laheyn waxayna colaad umuujiyeen intii ayaga colaadineysay oo aan kala sooc lahayn.

Dhaqdhaqaaq maslaxo dibloomaasiyadeed ah marna muusan dhexmarin Shabaabka iyo beesha caalamka, sida aan isleeyahayna maysan raadin ayaguna lagamana soo raadin. ayagoo ku dhiiran ayeey go,aankoodii ku dhegan yihiin rabigoodna talo saarteen.

Dhinaca kale waxaa jiray dowlado kumeelgaar ahaa iyo maamul goboleedyo ay beesha caalamku dhiseen ayagoo ku cabbirayey rabitaankooda iyo danaha gaarka ah ee ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxay soo dhiseen hal sad oo ka kooban dastuur, madax dowladeed iyo baarlabaan iswata. ayagoo weliba ugu sii deeqay ciidan,dhaqaale iyo baraarujin xagga warbaahinta ah oo shacabkii looga gadaayo inay aqbalaan dowladda ay beesha caalamku wadato.

Sidookale dowladaha deriska ah oo ku midoobay ururka IGAD,ayaa ayaguna meesha kamaqneyn kaalintoodiina kaqaatay dherigaan fara badiyey ee soomaaliyeed.

Dowladdaha deriska ah ayaa marwalba afhayeen u ahaa dowladaha lasoo dhiso ayagoo mid walba ka dhex dallaalayey dowladaha KM iyo beesha caalamka. Illaa ay markii dambe gaaraan in ayagoo shacabkii soomaaliyeed xasuuqaya ay yiraahdaan dowladiina ayaa naga codsatay,weligoodna aan lagu eedeyn in lagu ammaano mooyaane.

Dowladda Itoobiya ayaa ku guuleysatay inay ku ukumo dhasho gudaha dalka soomaaliya. waxayna ku yeelatay maamul goboleedyo ay ayadu utaliso kuna adeegato. waxaa usuurto gashay inay tusaale ahaan maamulka puntland ay kadhigato af ay ayadu ku hadasho markii ay dooneyso inay diiddo amarro ama waxqabadka dowladda soomaaliya taasoo in badan dhegaheenna ay kusoo dhici jirtay kalmaddii faroole ee ahayd loomadhama.

Hadaba waxaan shaki kujirin inaysan dowladda Itoobiya cidkale ama madaxkale oo hadda joogta aysan ku doorsaneyn saaxiibkood Faroole oo aan runtii la,ogeyn heshiisyada kala dhexeeya inta ay la,eg yihiin iyo saameynta ay ku yeelan doonaan mustaqbalka ubadka soo korayo ee berito.

Sikastaba ha,ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dowladdiisa la,aqoonsaday ayaad mooddaa inuu xoogaa is adkeeyey asagoo muujinaya inaysan Itoobiya dalkaan katalin balse ay yihiin laba dal oo deris ah ,laakiin isu kaashanaya burburinta iyo gummaadka soomaalida laga been sheegay.

Inkastuu guddoomiyaha baarlabaanku tegay Addis ababa iyo Jigjiga,inkastuu r/wasaaruhu tegay Garoowe,inkastoo Itoobiya loo ogolaaday inay dalkaan ka fushato danaheeda ,haddana weli fari kama qodna inay itoobiya qanacdo illaa uu madaxweyne xasan sheekh ama sida shabaabka go,aan qaato ama uu sida Faroole guddoomo waxkasta oo ay dowladda itoobiya uga baahato asaga iyo dalkaba.

W/Q . Xagaleey.

24530327

Banaadir Post.

Sheekh Yuusuf Ciise “Kabakutukade” ayaa ka hadlay Waxa uu ugu yeeray Siyaasad Xumadda Xassan Sheekh Maxamuud Gurguurte.gabayga waxaa la yiraahdaa “Gadaal ka gaar”.