Ethiopia ayaa tgudadha u soo galay gayiga soomaliyeed dhowr intaba waa ku jabeen,sanooyin hore iyo kuwa hadaba,waa marka hore Ethiopia ayaa soomalia soo gashay dabayaaqadii 2006dii ,xiligaas oo ay dagaal qaraar dadka Somaliyeed gaar ahaan dadka ku nool koofurta Somaliya oo ah dad lagu yaqaan gumaysi naceyb iyo halgan aan dhamaad lahayn, Ethiopia ayaa dalka isaga baxday sanadkii 2009kii bilowgiisa iyada oo dhiigbaxaysa oo dhiban.
Waxayna mar kale soo noqdeen sanad ka hor oo ayay qabsadeen dhowr magaalo oo muhiim ah,horeyna nabad uga jirtay,waxaana kala kulmeen dagaalo aan dhamaad lahayn oo weli ka socda gayiga Somaliyeed,waxaana ka soo gaaray qasaaro nool iyo moodba leh,waana sababata keentay inay hada ka fakadaan gayiga Somaliyeed.
Jabuuti ayaa soo dirtay ciidamo aan lahayn tababar badan waxaana aad ugu badan dumarka lagu sheegay inay ciidan yihiin!.
Jawaari oo ku ooyay General Yahonis”Xabashi” laguna gacan sayrey!!
General Yahonis ayaa la sheegay in uu Jawaari u sheegay in qorshaha ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya lagasoo gooyay wasaaradda gaashaandhigga Ee magaalada Addis Ababa islamarkaana aysan iyagu baajin karin qorshahaasi.
Kulanka oo ka dhacay Hotelka Bakiin ee magaalada Baydhabo ayay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in uu kusoo idlaaday is afgarad la’aan waxayna Itoobiyaanku u balan qaadeen Jawaari in ay magaalada sii joogayaan inta bisha Maarso ka dhiman balse wixii xiligaasi ka dambeeya ammaanka magaalada ay ku wareejin doonaan ciidanka AMISOM.
Ciidanka Itoobiya ayaa dhawaan isaga cararay magaalada Xudur ee gobolka Bakool halkaasi oo ay dib ula wareegeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Banaadir Post.