MAQAAL:- Mahad walba waxa ay u sugnaatay Alle subxaana watacalaa ee na makaniyay in aan dhulkaan ama arladiisa marqaatiyaal ka ahaano waana waxii uu ku yiri Rasuulka CSW Qaar kamid saxaabadiisa waxad ka tahiin arlada marqaati yaal kala saari karo ama ogaan karo waxa qofka markaas camalkiisa ,, ku sugan yahay ama uu camalinayo.
Hordhacaasi anoo u adeegsanaa ama u daliil sanaa( Hadalkii Nabiga CSW ku Yiri Anagu waxan nahay Marqatiyaalki dhulkaan ) Hordhaca hadalkaasi waxan u soo qaatay wa in an wax badan oo an marqaati ka ehen ay dhacen kuwa badana ayna dhici donan hadan noolnahay ishala allah. Maqaalka Ciwaankaan an u doortay ee ah ” Tigree Tagyee Yaa u Tol ah ” waxa ay igu dhalatay in aan qoro ama aan ka hadlo markii an argay wax badan oo ka dhacay ama ka ajiro Somalia qaasatan dhulka Koofureed Ee dagaalka Udhaxeeyo Xaqa Iyo Baadhilkaka oogan yahay
Dagaalkaan u dhaxeyo xaqa iyo baadilka waligiisa waa soo jiray waan jiraa inta dhulkaan ama arlada ilaahey laga oogo dhamaanteed ku dhaqanka kitaabka ALLE iyo Sunada Nabiga CSW taasoo ragg badan dhiigooda u baxay kuwa noolna u bixi doono Inta badan waxa caado ah hadii la helo Fi’a ama koox u istaagto in kitaabka alle la dhaqan galiyo in ay cadaadis kala kulmaan ama dagaal aan ganbasha laheen Galada Nasaarada ah kuwasoo u argo wax ay ku daba go’o karaan
Hadaba wayadaan danbe waxa dhagaheena ku soo dhacayay warar faraxad weyn galiyay umada muslimiinta iyo dhamaan mujaahidiinta aduunka iyo kuwa soomaliya kadib markii ciidamadii galada kirishtaanka Xabashida ay iska cararen oo ay ku go’doomeen qeyba ka mid ah koofurta soomaliya taasoo aqirki keentay in ay iska baxeen Magaalooyin dhaca Koofurta somalia.
Markii ay cadaaday in ciidamadii xabashida iska carareen baahi badan iyo dagaal badan iyo geeri badan kadib magalada Xudur oo ah caasimada Gobalka Bakool ama walaayada Bakool , waxa uu waaga ku baryay kooxdii Cara tuurka u eheed ciimada xabshida ee Dowlada Fadaraalka la baxday balsa ku caanka ah u adeega dowladdaha cadowga ku ah Umada Soomaaliyeed.
Markii ay ciidamada xabshida iska careren oo ay ka bexeen magaalada Xudur waxa isoo tarayay qeylladhaan badan oo ka imaaneesay kooxda Uu hogaamiye Xasan sheikh ee ku sugan Villa Soomaliya tasoo keentay in qeylladhaan lagu joogsan waayo ilaa heer la diro wafuud garee ilaa 25 Xildhibaan oo ka mid ah kooxda golaha la magac baxay sharci dajinta ,, waloow ALLE subxaana watacaalaa yahay Sharci dajiye dhabta ah
Markii ay tageen kooxdaan xildhibaanada Magalada Beydhabo oo ah caasimada Bay’ oo ay wali ku sugan yahiin saraakiil xabashi ah oo ayaga ruuxdood ah naf la carar ayana u shegeen in aysan daycin oo aysan ka bixin magalada Baydhaba inkastoo saraakiishii xabashida si toos u dheheen anaga waxa nalaga amraa Xarunta Addis Abba oo uu ka soo baxay amarka an ku baxeyno
Intaas kadib markii la is dhaafsday waxaa durbo idaacadaha ku hadlo afka soomaaliga qeylladhaan Afka furtay kooxdii xildhibaada ehed o shegay hadii Baydhaba ka baxaan ciidanka xabshida in aysan jirin ciidan somali ah oo si toos ah u difaaci karo ama kaga hor tago karo Ciidamada Mujaahidiinta Somalia tasoo cadeyn u ah markii xudur ka baxeyn oo sababtay in ciidamdi somalida ay ayagana sii cararan
Hadaba hadii Sas uu Yahay Xaal Maxey filan kartaa Magalada Baydhabo
Baydhabo oo ah caasimada gobalka Bay Soona martay waqtiya kala duwan iyo maamula kala duwan haba ugu danbeyaan maamuladii ugu danbeyay ee kala ahaa walayadii islaamka ee xarakadu shabab u magacaabeen magladaas oo iskaga inzixaabtay markii ciidamada xabashida isoo balaariyeen tasoo sababtay aaqrikii in ay ku noqoto meel ay ku harsan wayaan oo ay ku nasan wayaan
Iyo maamulka hada ka jiro ee tabarta yar awoodiina ka badin la’adahay qeylla dhaanta ayagoo ku qeylinaa war hooy hadii Baydhaba ka baxan ciidamda xabashida ogaada ma jiro ciidan somaali ah oo ka difaaci karo mujaahidinta somalia in ay u qabsadaan sida magalada xudur taaso ay u dirayaan fariin kooxda Xasan Sheikh ee ku sugan Villa Soomaaliya.
Hadaba hadey Saas u og Yahiin In Aan Tigeree Tol u Eheen Maxeey Ku Diideen Sharecada Islaamka
Ujeedka ugu weyn ay u diidayaan in dhulkaan laga oogo shreeco islaam ayaa ah in ay ku sii hayan umadan Muslimka ah dhibatada joogtada ah iyo kufisiga iyo gooraca oo ay mar walba gacan kaga heli jireen ciidamada xabashida ah oo ah hoyga ay ka heleen gacanta millitariga ugu weyn
hadaba hadey oga yihiin in uusan jirin ciidan difaacan karo maxey u shegtaan dowladdnimo wayo dowladdnimo waxa aas aas u ah dal iyo dad iyo calan iyo ciidan intaasna manta ma jirto oo ileen waxaa cad in mesha ay jogaan ciidan markey rabaan baxayaan markey rabaan soo galo
Fariin Ku Socoto Kooxda Villa Somaaliya Fadhiso
Anoo hadalka soo gaba gabeynaa kana qaadanaa tixdiisa ugu weyn ee ah in daglkaan somaliya aan leenahay anaga ummada soomaaliyeed ah balsa aysan nala laheen ciidamadaan Shisheeye ee dullakaanka ku soo galay somaliya
Hadad aminsaneedeen Ciidan shisheeye baad dowladda ku noqonee waxa cibra idiin kugu filan waxa maanta ka taagan Baay Iyo Bakool
Cid walboo aaminsan in dal iyo umadiisa lagu xukumi karo ciidan shisheye ama dowldd loogu ahaan karo tanaa tusaale kuugu filan in aan tigree tol eheen somaalida waxa ay tiraah Lo’o eey nin an ku aroori doonin yuusan ceel Ku geyn waana wax manta tagan in aan ciidan aan umada ay leedahay o raali aysan ka ehen aan lagu xukumi karin
W/Q Saciid Islaam.
Banaadir Post.