DHAGEYSO-WARBIXIN XASAASI AH:- Khaliif Axmed Erag oo Nairobi kasii Baxsanaya iyo Xassan Gurguurte oo Axmed Macalin Fiqi Diyaarad Nairobi u Saaray, Wiilashii la Xasuuqay Miyeysan Tolka ka Dhalan?

25092445

Waxaa Shir Jaraa’id Magaalada Muqdisho ku qabtay Agaasimaha Waaxda Nabad Sugidda X Axmed Macalin Fiqi, Xassan Gurguute ayaa Ceeb iyo Fadeexad kadib wuxuu Golihiisa Wasiirada uu u magacaabay Guddi in ay soo baaraan Xasuuqii Dhalinyarada Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho lagala baxay, Golaha Wasiirada ayaa Xassan Gurguurte ku yiri“Axmed Macalin Fiqi Xabsiga ladhigi maayo laakiin xilka ayuu wareejinayaa, wuxuu yiri Khaliif Axmed Erag Nairobi halaga soo qabto haddii Axmed Macalin Fiqi Xabsiga la dhigayo”.

Axmed Macalin Fiqi iyo Khaliif Axmed Erag waa dambiilayaal loo haysto dhiigga Wiilashiii ay Gacmaha iyo Lugaha intay ka xireen sida bahdilka ah ay u soo dhigeen Maydadkooda Guryihii Waaridiintooda ay daganaayeen ayada oo eeyaha Muqdisho Maydka Wiilasha Quraac uga dhigay!, Xassan Gurguurte iyo Golihiisa Wasiirada ma waayeen waxay ku qanciyaan Waalidiinta Soomaaliyeed ee Wiilashooda Xabsiyada lagala baxay?, Maxaa Khaliif Axmed Erag looga soo qaban waayey Magaalada Nairobi?, Maxaa Xabsiga loo dhigi waayey Saraakiishii Xabsiga dhexe horjoogayaasha ka ahaa?.

24918734

Dambiga Nimankaas lagu haysto soo ma’ahan wax cad iyo in ay Dhalinyaro xasuuqeen?, soo ma ahayn in Xabsiga ladhigo ugu yaraan?, maxay tahay xilka hawareejiyo hana baxsado?, Warar ayaa sheegaya in Xassan Gurguurte Maalinta Beri ah oo Talaado ah in uu Diyaarad u saarayo Axmed Macalin Fiqi Magaalada Nairobi. Xassan Gurguurte dab ayuu sii huriyey waxaa hadda kacsan Qabiiladii Wiilashu ka dhasheen oo Golaha Wasiirada Rag ku jira ay sheegeen in ay caddaaladda hor keenayaa Wiilasha Saraakiishii xasuuqday iyo Dadkii qaabilsanaa Xabsiga dhexe iyo Nabad Sugidda.

Wixii caddaalad xumaa iyo dagaal sokeeyaa waxaa qaadayaa Xassan Gurguurte oo Ilma Adeertiis Diyaaradaha saaraya intay Dad Wiilashooda xasuuqeen iyo Saacid Shirdoon, Sharif Sheekh  Axmed ayaa ka Caqli badan Xassan Gurguurte, Maxamed Dheere markii uu Shacabka Muqdisho xasuuqay, xilkiina waa laga qaaday Xabsigana waa ladhigay, soo tii Maxamed Dheere oo Labada Gacmood ka xiran iyo Saraakiil kale Saxaafadda loo soo bandhigay, maxaa Axmed Macalin Fiqi iyo Khaliif Axmed Erag looga baqayaa?, Ma Sirdoonka Reer Galbeed iyo Amisom ayaa laga cabsanayaa oo laga baqi maayo miyaa Qabiilada Wiilashooda la xasuuqay?.

24925861

Xaggee lagu arkay nin madax weyne sheeganaya oo Ilma adeertiis markii ay Shacabka Soomaaliyeed intay Xabsiyada kala baxaan Xasuuqayaan hadda intuu Lacag jeebabka ugu guro uu diyaaradaha u saarayaa?, waxaan maqli jirnay Puntland iyo Somaliland ayaa Xabsiyada Qabiiladu kala baxaan Dadka hadda waxaa Muqdisho ka socda Nin Madaxweyne sheeganaya in uu Ilma Adeertiis uu diyaarad saaro oo yiraahdo baxsada, yaa lagu qancinayaa oo doonaya Jagada Axmed Macalin Fiqi?.

24790479

Dhagayso Shirka Jaraa’id ee Axmed Macalin Fiqi oo leh Cidna ima Qasbin, Xassan Gurguurte ayaa ku yiri sidaas dheh si aad u baxsato MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Akhri Xasuuqii Foosha Xumaa ee Khaliif Axmed Erag English Riix Halkaan

24925496