Ina Macalin Fiqi Madaxii Hey’adda Nabad sugidda oo xilkii ka fakaday ka dib markii laga soo dayrshay caafimaadka Khaliif Ereg oo Nayroobi ku il daran.

25083333

Axmed Macalin Fiqi si dhab ah uma sheegin sababta ku kalliftay iscasillaadiisa, hase yeeshee mudooyinkii dambe waxa la hadal hayay inow qabo cudurka welwelka iyo walbahaarka oo la seexan waayay.

Waxaa kale oo laga soo dayrshay caafimaadka Khaliif Ereg madaxii BS-ta Xamar oo Nayroobi loogu qaaday qarax ku qabsaday Moqdisho ayna ku hoobteen maleeshiyaad badan oo isaga dadka la gumaadi jiray.

Sidoo kale waxaa soo shaac baxaya warar sheegaya in casilaadda Fiqi ay salka ku heysa khilaaf mudooyinkii dambe ragaadiyay Hey’adda nabad sugidda Dowladda Fedraalka iyo Madaxda sare ee Dowladda, waxaana khilaafkaas uu salka ku hayaa habac sanaanta xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.

Dhawaan waxaa dilka laga xayuubiyay Abaanduulihii Maleeshiyaadka Dowladda Fedraalka Korneyl Dhego badan iyo Taliyihii Maleeshiyaadka loo yaqaano Meliteriga  Korneyl C/qaadir Diini.

 

Taliyaha Nabadsugidda Axmed Fiqi ayaa ka mid ahaa ragii Mudaaharaadyadda ka dhigi-jiray Magaaladda Stockhlom ee Caasimadda Dalka Sweden, xiligii Dawladii Marxuum C/laahi Yuusuf,weligiisna Nabadsugid uma soo shaqeyn Dawladihii Soomaaliya,balse  Sheekh-Shariif “ALAA SHEEKH” ayaa ku abaal-marisay in loo magacaabo xilka uu maanta iska casilay ee Taliyaha Nabadsugidda.

2500289624925861

Banaadir Post.