Ciidamada ka socda Dowladda Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ka cabanaya Mushaar La’aan soo wajahday, iyadoona wararku sheegayaan in muddo dhowr bilood ah aysan helin wax Mushaar ah.
Sarkaalka qaabilsan Howlgalka Ciidamada Shisheeye ee Uganda ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe General Micheal Odonga oo la hadlayay Wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Uganda aysan Mushaarkooda helin.
“ Midowga Afrika weli nama soo gaarsiin Lacagaha Mushaarka ee Ciidamadu xaqa ay u lahaayeen muddo dheer, taasna waa dhibaato aad u weyn xilli Ciidankeenu ay wajahayaan dagaallo adag”. Ayuu yiri Odanga.
Wuxuu ku dooday in dib u dhaca ku yimid Mushaarka Ciidanka inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howl gallada ay wadaan, isagoona tilmaamay inay soo socon doonaan waxa uu ugu yeeray howlgalka Shabelle ee horey Amisom ay ugu dhawaaqday.
Dowladaha reer galbeedka ayaa dhaqaale fara badan ku bixiya Ciidanka Afrikaanta ah ee Muqdisho ku sugan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in Madaxda Dowladaha Ciidankooda ay joogaan Soomaaliya ay musuq maasuqaan dhaqaalaha laga helo reer galbeedka, xilli Askarta Calooshood u shaqeystayaasha ah ee dhiigooda iibsaday aysan wax sidaas u badan kasoo gaarin dhaqaalahaasi.
Banaadir Post.