Lama yaqaan sababta Wasiiradan loo soo saaray Dayuurad loogu tala-galay Xoolaha in lagu daad-gureeyo,waxaana la arkayey Axmed Madoobe iyo ciidamada Kenyanka ah ee Garoonka la joogtay oo qosol la dhacay markii arkeen Wasiiradda oo sida Xoolihii Dayuurad albaabkeeda dambe ka soo dagaya.
SKA ayaa ah kuwa kuwa qaabilsan daabulida wafdiga Dowlada safarada gobolada dalka oo dhan waxayna ku qaataan lacag aad u badan, waa kuwa xooga ku haysta garoonka weyn ee Moqdisho oo maalintii ay ka soo xarooto lacag aad u badan waxayna ku dhacdaa jeebka qolyaha haysta garoonka,waxayna wafdiga ku qaadaan diyaarado aad u hooseeya iyo meelo aan loogu tala galin in dad lagu qaado,waana bahadilka lagu hayo kuwan ka bahdilan Diinta iyo dadnimada oo dhan.
“Waxaad iska dhigto ayaa tahay”
Banaadir Post.