Baydhabo oo Xildhibaano isku feereen maanta iyo Kismaayo beri sidaas oo kale looga cabsi qabo.

Xildhibaano uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, Gudoomiyhii hore ee Baarlamaanka Mudane Aadan Madoobe oo isla markaas xubin hada ka ah Baarlamaanka iyo Xildhibaano badan oo kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta shir isugu yimid Magaalada baydhabo si loo xaliyo khilaaf ka taagan Gobolka oo Salka ku haya Faragalinta ay Dowlada federaalka ah ku badashey Maamulkii Gobolka Bay.
Xildhibaanada badankooda ayaa soo jeediyey in lasoo celiyo maamulkii hore ee Dadka Gobolku doorteen, magaaladana laga saaro maamulka lagasoo magacaabey Muqdisho , Arintaan ayaa ah sababta uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari u soo gaarey Baydhabo, Inkastoo gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari uu ka mid yahay raga gadaal kasoo riixaya Maamulka cusub ee Gobolka hadana wuxuu la kulmey cadaadis badan oo lagu diidan yahay Maamulka cusub.

Kulanka ayaa markii dambe la isku fahmi waayay tasoo dhalisey qaylo iyo sawaxan ka dib isu badashey Gacan ka hadal, iyadoo xildhibaanada qaarkood ku dhawaaqayeen Dowlad ma tihidin, fidnaad noola timaadeen, hadaladaas waxay ku dhacayeen Garabka Jawaari raacsan.

Shirka maanta ayaa noqdey mid guul daro ku dhamaaday laguna kala dareerey.

Dhinaca kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa iminka ku sugan Wafdi iyana ka yimid Muqdisho kuwasoo kasoo horjeeda Maamulka loo sameynayo Jubooyinka/Gedo, Beri waxaa imaanaya Raysal wasaare Saacid, waxaana halkaas ka dhici doona kulan balaaran.

Waxaa la isweydiinayaa kulanka Kismaayo ma ka duwanaanayaa kan Baydhabo mise isna gacantaa la isula tagi doonaa.