Waxaa si fudud usoo noqonaya nolosha dadka nool Xudur oo hal sano Xabashido xoog ku joogtay,waxayna hor istaageen dhamaan noloshii magalaadaas ka jirtay dhinac walba,sida ganacsiga, cibaadada iyo dhamaan amniga oo dhan.
Waa iska caadi mar hadii meel gumaysi ka kaco dhaqso loo dareemo dhibka oo dadka ku hayay,waxaa isku soo noqonaya dadka reer Xudur kuwaas oo ka soo ka imaanaya tuulooyinka hoos taga Xudur oo aan horey u galin Xabshida.
Waxaa la camirey goobaha cibaadada waxaana meel walba ka soo muuqaday shacaairta Islaamka.
Waxaa maalmahan la sugayaa inay gacanta Xabashida ka baxdo magaalada Baydhabo oo ah saldhiga ugu weyn Xabashida,kuwaas oo horey uga baxay Awdiinle iyo Ceelbarde marka laga reebo Xudur.
Banaadir Post.