Xiisad ka taagan magaalada Marka iyo Maleeshiyaadkii shalay dagaallamay oo weli is hor fadhiya.

25056504

Xiisad kacsnaan ah ayay ku waabiriisatay magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo shalay dagaallo xoogan ay ku dhex mareen Maleeshiyaad ka wada tirsan Dowladda Fedraalka.

Wararka Saakay laga helaayo magaalada Marka waxay sheegayaan inay socdaan abaabullo dagaal oo ay wadaan Maleeshiyaad beeleedyada wada huwan magaca Dowladda Fedraalka ee shalay halkaas ku dagaallamay.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan magaalada Marka, waxaana dadka qaarkood ay billaabeen inay ka firxdaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba inay saameyn ku yeeshaan dagaallo markale magaalada ka dhaca.

Ciidamada ka socda Dowladda Burundi ee qeybta ka ah Shisheeyaha Amisom oo ku sugan magaalada Marka ayaa indhaha ka daawanaya xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada, mana jiraan wax ciidan ah oo ay kala dhex dhigeen Maleeshiyaadka dagaallamaya.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee laga helay dadkii ku dhintay dagaalkii shalay magaalada ka dhacay waxay sheegayaan in tirada dhimashada ay ka badan tahay 10 ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamayay, halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Maxay tahay sababta askarta Dowladda Federaalka ahi u dagaalamaan markasta?(Dhagayso)

Aqoon yahana Axmed dayib Mursal ayaa tilmaamay in sababahaaas ay ka mid tahay iyagoo u beratamaya askartu u kala hormaridda iyo u dhawaanshaha askarta Gaalada ah ee ay ka hoos shaqeeyaan.

Dhagayso waraysiga Aqoon yahanka.

Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose ugu Magacaaban Dowladda Federaalka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Muujiyay sida uu ugu xun yahay dhaawaca taliyaha ku yimid.

24974006 (1)