GAYIGA SOMALIYEED IYO KUWII SOO DUULEY:-Ciidamada Itoobiya ayaa u diyaarsan inay ka fakadaan Baydhabo iyo cabsi soo foodsaartay ciidamada shisheeye ee Amisom.

25056267

Ciidamada Itoobiya waxaa ay faarujiyeen xarunta gobolka Bakool ee Xuddur, waxaana ay sidoo kale si cad u sheegeen inay isaga hadaafayaan magaalooyinka kale ee ay wadanka ka joogaan.

Hadalkaasi iyo ficilkii ka bixitaanka ee Xuddur waxaa uu ahaa maalin naxdin leh ee u dhalatay ciidamada shisheeye ee duulaanka ku jooga Soomaaliya, waayo Itoobiya ayaa u ahayd gaashaan adag oo ay dugsadaan marna aanay ka maarmin.

Magaalada Baydhabo ee xarunta bay waxaa hadda ka taagan cabsi iyo qalaan qal xoogan oo dhanka amaanka ah, iyagoo saraakiisha ciidanka shisheeye ee Baydhabo ku sugan ka dhamaan la kulamo ay la qaadanayaan dadka halkaasi ku dhaqab si ay caawimaad uga helaan.

Saraakiisha ciidanka shisheeye ee wata magaca Amisom ee Baydhabo ku sugan ayaa isugu yeeray indheer garadka Baydhabo saacadihii la soo dhaafay waxaana ay u sheegeen in ciidanka Itoobiya ay ka socdaalayaan magaalada, waxaana ay ka codsadeen inay garab ku siiyaan sidii ay Mujaahidiinta uga difaaci lahaayeen magaalada.

Laakiin odayaasha iyo waxgaradka ayaan wax jawaab ah ka bixin codsiga loo soo jeediyay, waxaana shacabka iyo bulshada Baydhabo oo lagu yaqaan kaalintooda difaaca diinta ay u muuqdaan xilligan kuwo soo buuxinaya booskoodii difaaca diinta Islaamka.

Ciidanka Itoobiya ayaa u muuqda inay ka dhabaynayaan ka bixitaankooda ee dalka iyadoona la rajeynayo inay Baydhabo noqoto mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay ka bixidoonaan maalmaha soo socda.

Sidii Xuddur oo kale, Baydhabo marka Itoobiyaanku ka baxaan waxaa ay noqon doontaa aag muhiim ah oo ku banaanaaday ciidanka shisheeye kaasi oo  aan cidina ka hor taagnayn guutooyinka Shabaabka inay iyaga oo  mushaaxaya dib ula wareegaan magaalada maadaama aan ciidanka shisheeye Baydhabo difaaci Karin Itoobiyaanka la`aantiis.

Xaaladda ayaa ku xun ciidanka shisheeye oo naf ahaantooda aan wax kalsooni ah ku qabin inay sii xagsadaan Baydhabo ka dib bixitaanka Itoobiya, maadaama aanay wax cilaaqaad ah la lahayn deegaanka islamarkaana aanay u qaybsamin Xamar iyo deegaano kale.

Shabaabul Mujaahidiin ayaa u muuqda inay dib ula wareegayaan dhul baaxad leh oo kamid ah Soomaaliya iyadoo shisheeyuhu ay dib uga cararayaan deegaanno dhowr ah oo ay qabsadeen wax ku dhow sanad iyo bar kadib dagaallo joogto ah oo ay la kulmayeen mudooyinkii u dambeeyay.

25015192

 

bBanaadir Post.