MOORYAAN BEELEED IYO MAGAALADA MARKA:-Dagaal qasaare culus dhaliyey oo Maleeshiyaadka Dowladda Xasan Garguurte ku dhex maray gudaha Marka.

25048194

Dagaal culus oo qasaare dhaliyey ayaa gudaha magaalada Marka ku dhexmaray Maleeshiyaadka Xasan Garguurte , ka dib markii  la dilay taliye maleeshiyaad”Kabo Mooryaan” kaasoo loo dilay haybta oo yahay,waxaana sii kordhay xiisada oo dagaalka ayaa is qabsaday magaalada oo dhan.

Mid ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid saameeyay guud ahaan magaalada, goobaha ganacsigana albaabada loo laabay.

Waxa jira qasaare baaxad weyn oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jirta oo ay labada dhinac ee dagaallamay isu geysteen, Waxana ay isu adegsadeen Hubka waaweyn iyo kan yar-yarba, Iyadoo weli aysan jirin Xal laga gaaray Dagaalkaas iyo cid kala dhex gashay Ciidamadaas dagaallamay, Inkastoo uu dagaalku haatan yara qaboobay, welina la is hor fadhiyo,wuxuuna dagaalku bilaaban karaa markasta.

Magaalada marka ayaa dhowr sano nabad  ahayd laakiin  hada  waxay gacan ugu jirtaa Ciidamada shisheeye ee Amisom “NABAD KA ILAALIYAASHA AMISOM” iyo Maleeshiyo Beeleed aan ahayn dadka reer Shabeelada hoose,waana meesha  dhibku ka jiro.

24712636

Banaadir Post.